23.7 C
New York

Wararka: Maraykanka & Iiraan oo duqaymo culus isweydaarsadey.

Published:

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale sii xoogeysatay, kaddib markii ciidanka ilaalada Kacaanka…

Wararka Soomaaliya

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale sii xoogeysatay, kaddib markii ciidanka ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) uu ku dhawaaqay inay ka hortageen weerarro uu Mareykanku ka fuliyay marinka Hormuz iyo deegaanno ku yaalla koonfurta dalkaasi.

Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay inay qaadeen duqeymo ay ku tilmaameen kuwo jawaab u ah weerarro ay ciidamada Iiraan ku qaadeen maraakiib iyo bartilmaameedyo ku dhow marinka Hormuz.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxay Tehran ayaa sheegaya in ciidamada Kacaanka Iiraan ay bilaabeen weerarro ay ku beegsanayaan saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Bariga Dhexe, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid aargoosi iyo is-difaac ah. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo Mareykanku kasoo saaray sheegashadaasi.

Faahfaahinta

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in gobolka Bariga Dhexe uu galo marxalad dagaal oo hor leh, gaar ahaan iyadoo marinka Hormuz uu yahay marin muhiim u ah ganacsiga shidaalka caalamka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img