Shir looga hadlayo ammaanka gobolka Bari oo ka dhacay Boosaaso.
Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Amniga Gobolka Bari, kaas oo looga hadlay xaaladda…
Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Amniga Gobolka Bari, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga gobolka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada shacabka. Shirka waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka Bari, Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari, Xeer ilaaliyaah gobalka Bari,Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Boosaaso, Taliska Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amniga. Intii uu socday kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha amni ee ka jira gobolka, guulaha ay laamaha amnigu gaareen, caqabadaha jira iyo sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha l
Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa masuuliyiinta amniga ku bogaadiyay dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga, isagoo ku adkeeyay in la sii labanlaabo howlaha lagu xaqiijinayo amni waara iyo in shacabka si dhow loola shaqeeyo si looga hortago falalka amniga lidka ku ah. Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aamo lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Gobolka Bari.

