21 C
New York

Keir Starmer oo iska casiley xilka Ra’iisul Wasaareha Britain.

Published:

Keir Starmer oo iska casiley xilka Ra’iisul Wasaareha Britain.

Keir Starmer ayaa Iska casilay Ra’iisulwasaaraha Boqortooyada UK, isagoo noqonaya Ra’iisul Wasaarihii 4aad ee ay yeelanayso…
Keir Starmer ayaa Iska casilay Ra’iisulwasaaraha Boqortooyada UK, isagoo noqonaya Ra’iisul Wasaarihii 4aad ee ay yeelanayso Britain oo ay ragaadiyeen duufaanada iscasilaaduhu laga soo bilaabo 2022. Boris Johnson – Is casilay July 2022. Liz Truss – Is casishay October 2022 kadib 49 maalmood kadib
Rishi Sunak – Doorashadii guud ee 2024 ayaa looga adkaaday.

Keir Starmer – Is casilaya June 2026
Go’aanka iscasilaadda ayaa yimid kadib bilo cadaadis siyaasadeed oo isa soo tarayay, hoos u dhac ku yimid taageerada shacabka iyo khilaafyo gudaha xisbiga Labour, doorashooyin iyo codbixinno dhowaan dhacay ayaa sare u qaaday baaqyada ku aaddan in Starmer xilka baneeyo, isagoo xilka sii hayn doono ilaa uu yimaado Mas’uul beddela. Keir Starmer ayaa xukunka yimid sanadkii 2024 kadib guul doorasho oo taariikhi ah oo uu xisbigiisa Labour ka gaaray doorashadii guud ee dalka. Hase yeeshee, muddo ka yar laba sano gudaheed, dowladdiisa waxay wajahday caqabado la xiriira dhaqaalaha, socdaalka iyo hoos u dhaca kalsoonida shacabka.

Wararka siyaasadda UK ayaa tilmaamaya in siyaasiga caanka ah ee Andy Burnham uu yahay musharraxa ugu cadcad ee beddeli kara Starmer, inkastoo tartanka hoggaanka Labour weli si rasmi ah u furmin

Related articles

Recent articles

spot_img