Golaha Mustaqbalka oo soo gudbinaya nooca doorasho ee ay soo diyaariyeen.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigaya hannaan doorasho oo cusub, kaas oo ku saleysan Dastuurkii Kumeel-gaarka…
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigaya hannaan doorasho oo cusub, kaas oo ku saleysan Dastuurkii Kumeel-gaarka ahaa ee 2012-kii iyo heshiisyadii siyaasadeed ee ay Soomaalidu ku wada dhisnayd. Qorshahan ayaa dhigaya in xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka lagu soo doorto cod toos ah oo ay dhiibanayaan dadweyne is diiwaangeliyey, iyadoo doorashooyinka lagu qabanayo afar magaalo oo ka tirsan Dowlad-goboleed kasta. Nidaamkan ayaa ka duwan hannaankii hore ee ku tiirsanaa odayaasha dhaqanka iyo ergada beelaha, waxaana la sheegay inuu yareynayo saameyntii ay ku lahaayeen isimada, madaxda siyaasadeed iyo kooxaha kuraasta gacanta ku hayay.
Noocaan doorasho ayaa noqonaya mid ku dhisan awood-qaybsiga 4.5, iyadoo kursi kasta uu ku xirnaan doono qoyska ama beesha leh matalaaddiisa, halka codbixintana ay shacabka si toos ah uga qayb geli doonaan. Soo-jeedintan ayaa sidoo kale tilmaamaysa in doorashada lagu qaban karo muddo 90 maalmood gudahood ah, iyadoo diiwaangelinta codbixiyeyaasha lagu samaynayo goobaha doorashada ee la cayimay. Taageerayaasha qorshahan ayaa ku doodaya in uu yahay hannaan ka fudud kana dhaqso badan nidaamka ay Dowladda Federaalka waddo, kaas oo ku saleysan xisbiyo siyaasadeed iyo diiwaangelin qaran oo ballaaran.

