25.1 C
New York

Maxkamadda ciidamada Puntland oo xukun ku riddey nin ku eedaysan gabar lagu diley Garowe

Published:

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku riddey nin lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay dilkii gabar lagu diley magaalada Garoowe bishii hore.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in ninka lagu magacaabo Maxamed Cali uu helay xabsi daa’in kadib markii caddaymihii la keenay ay muujiyeen inuu ka qayb qaadanayay dilka. Maxkamaddu waxay sheegtay in eedaysanuhu uu beeniyay eedeymaha lagu soo oogay.

Dilkii gabarta ayaa dhacay bil ka hor, waxaana arrintu si weyn uga hadashay bulshada Puntland. Booliska ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib la soo qabtay eedaysanaha.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa sidoo kale maanta xukuntay labo qof oo kale oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan. Mid ka mid ah ayaa lagu helay tuugo, halka kan kalena lagu eedeeyay falal dadweyne khatar geliyay.

Taliyaha booliska Puntland ayaa sheegay in amniga la xoojiyay tan iyo markii la dilay gabarta, isagoo ballan-qaaday in la soo qaban doono cid kasta oo ku lug leh dilka.

Related articles

Recent articles

spot_img