Somaliland oo ka hadashay saldhigyada Israa’iil ka samaysanayso Berbera.
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa xaqiijiyay inaanay jirin wax joogitaan militari ah oo Israa’iil ku leedahay dhulka Somaliland, isla markaana uu beeniyay wararka sheegaya in wada-hadallo laga furayo saldhig ciidan oo Israa’iil ka samaysanayso deegaannada Somaliland.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay wakaaladda wararka ee Reuters maanta Arbacada ah, isagoo ka qayb-galay shir ganacsi oo ka socday magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil. Waxa uu sheegay in Israa’iil ay tababaro siiso ciidamada militariga iyo booliiska Somaliland, balse uu ku tilmaamay wararka sheegaya in wada-hadallo lagu furayo saldhig militari inay yihiin “xan iyo warar aan xaqiiqo ku dhisnayn.”
Dhinaca kale, Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, ayaa ka gaabsaday inuu wax faallo ah ka bixiyo arrintan. Tani waxay timaaddaa xilli ay sii xoogaysanayaan doodaha ku saabsan heerka iskaashiga amni iyo milatari ee u dhexeeya labada dhinac.
Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay muddo sannado ah si hoose isaga kaashanayeen hawlgallo sir ah oo taxane ah. Katz, oo hadalkaasi ka sheegay munaasabad uu ka garab muuqday Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan faahfaahin ka bixin nooca hawlgalladaas iyo goobaha laga fuliyay.
Somaliland ayaa tan iyo sannadkii 1991 si iskeed ah u maamulaysay deegaannadeeda kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay tallaabadaas mid dhaawac ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

