Maamulka Gobolka Nugaal oo Digniin u Diray Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland, Cabdulqaadir Cismaan Samatar Food-cadde, ayaa eedaymo culus u jeediyey qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee reer Puntland.
Wuxuu sheegay in qof kasta oo xil ka qaaday Puntland uu ku faafinayo in dowladdu burburtay, isagoo ku tilmaamay in shirar loo qaban doono arrintaas. Waxaa intaa dheer, wuxuu cadeeyay in aan la aqbali doonin dad ka soo jeeda meelo kale oo dhaqaale ka soo qaatay ay carqaladeeyaan nabadda gobolka.
“Midkeennii xil laga qaado Xamar ayuu tegayaa wuxuu leeyahay Puntland waa burbursan tahay, laakiin waxaan leenahay kuwa dabinnada inoo maleegaya aan guryaha ku dhagxanno,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal intii uu ka hadlayay kulanka haweenka gobolka.
Dhinaca kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe faragelin xooggan ku waddo Puntland, iyadoo ka qortay boqolaal askari oo aan wada shaqayn lahayn xukuumadda Puntland. Arrintaasi waxay kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka.

