23.9 C
New York

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo war culus kasoo saaray booqashadii Cirro ee Qudus

Published:

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo war culus kasoo saaray booqashadii Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxayna kaga hadleen booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ku tegay dhulka Falastiin ee ay Israa’iil gacanta ku haysato.

Golaha ayaa si adag u cambaareeyay booqashadaas, gaar ahaa tagista dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Waxay tilmaameen in dowladda ay qaadi doonto tillaabo kasta oo ay ku difaaceyso midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradu waxay xuseen in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah, iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.

Waxaa intaa dheer, Dowladda Federaalka ayaa horay uga hortimid safaarad ay Qudus ka furatay Somaliland, taas oo uu xarigga ka jaray Madaxweyne Cirro, waxayna dhalisay cambaareeyn weyn oo gudaha iyo dibaddaba ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka. Waxay si adag uga hortageysaa fara-gelinta ay Israa’iil ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa caddeysay in tallaabooyinka ay Israa’iil qaadayso ay dhaawac ku yihiin madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed. Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku adkeysatay in aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo qaranimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Israa’iil ku eedeysay inay marar kala duwan ku lug lahayd tallaabooyin ay Muqdisho u aragto kuwo wax u dhimaya midnimada dalka. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah aqoonsiga ay sheegtay inay siisay maamulka Somaliland, wafdiyo loo diray Hargeysa, iyo martiqaadka loo fidiyay Madaxweyne Cirro.

Related articles

Recent articles

spot_img
WhatsApp