23.9 C
New York

IGAD oo si adag uga hortimid tallaabadii uu qaaday Cabdiraxmaan Cirro

Published:

IGAD oo si adag uga hortimid tallaabadii uu qaaday Cabdiraxmaan Cirro

Urur Goboleedka IGAD ayaa soo saaray bayaan uu ku muujiyay taageero buuxda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Somaliland iyo Israa’iil.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in wararka ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelato Qudus ay walaac ku abuureen ururka, isla markaana ay ka xun yihiin arrintaas. IGAD waxay ogaatay wararka ku saabsan safaaradda ay sheegtay in Gobollada Waqooyi ay ku leeyihiin Quddus, waxayna mar kale adkaysay mowqifkeeda muddada dheer ee ah in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya si buuxda loo ixtiraamo, sida ku xusan qoraal uu soo saaray Xoghaynta Ururka.

Dhinaca kale, IGAD ayaa ku baaqday in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo keeni kara xiisado cusub oo wiiqi kara nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu magaalada Qudus kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isla markaana uu si rasmi ah xarigga uga jaray waxa maamulkaas ku sheegay safaarad.

Qudus waxay ka mid tahay arrimaha ugu xasaasisan ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil. Israa’iil waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay Qudus Bari u doonayaan caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhisanta. Inta badan dalalka caalamka waxay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, iyagoo ka fogaanaya tallaabo loo fasiran karo in ay taageerayaan sheegashada Israa’iil ee Qudus.

Soomaaliya ayaa horey u cambaareysay xiriirka sii xoogeysanaya ee Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo si adag u diiddan sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, waxayna Somaliland u aqoonsan tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related articles

Recent articles

spot_img
WhatsApp