23.9 C
New York

Aadan Madoobe oo ballan-qaad ka helay dalkii ugu horreeyay + Sawirro

Published:

Aadan Madoobe oo ballan-qaad ka helay dalkii ugu horreeyay + Sawirro

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ballan qaadkii ugu horreeyay ka helay dowladda Shiinaha. Ballan qaadkaasi wuxuu yimid kadib kulanka uu la yeeshay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha. Dhinacyada ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay sii wadida wada shaqaynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee lagu hormarinayo deegaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Shiinuhu la garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxaa intaa dheer, waxa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo horumarka adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Danjire Wang Yu ayaa marka hore ugu hambalyeeyey Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe doorashadii lagu doortay ee maalmo ka hor ka dhacday magaalada Baydhaba. Hambalyeyntaasi waxay meesha ka saartay xaaladdii adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi.

Sidoo kale, safiirka Shiinaha ayaa xaqiijiyey sida dowladdiisu uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya labada dal. Waxa uu Aadan Madoobe u ballan qaaday diyaar u ahaanshaha dowladda Shiinaha ee taageeridda dadaallada horumarineed iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ka hirgelaya deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka deeq bixiyaasha caalamiga ah. Ujeeddada ayaa ah soo jiidashada maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara horumarka iyo adeegyada bulshada.

Koonfur Galbeed ayaa haatan gashay marxalad cusub, kadib isbeddalkii maamul ee ka dhacay Baydhaba. Isbeddelkaasi waxaa majaraha u qabtay Aadan Madoobe, kaas oo la filayo in dhawaan lagu caleema saaro magaaladaasi.

Related articles

Recent articles

spot_img
WhatsApp