23.9 C
New York

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada? + Sawirro

Published:

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada? + Sawirro

Muqdisho — Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan howlaha xukuumadda.

Dhinaca kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga. Intaa waxaa dheer, warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la soo bandhigay, kaas oo xoogga saaraya horumarka Qaranka.

Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ahayd qof iyo cod. Si gaar ah ayaa loogu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji, kaas oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ah ee maamulkaasi intii lagu jiray xilligii kala guurka iyo doorashada, haddana dib ugu soo laabtay golaha.

Inta uu socday shirka, Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Waxay xuseen in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Amniga dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda. Waxay sheegeen in ay ka hortageen falal amni-darro oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Xubintan cusub waa Mudane Maxamed Xasan Nuur, oo ah sharciyaqaan sare, waxaana loo doortay habraac tartan furan ah kaddib markii xubin kale uu xilka banneeyay.

Related articles

Recent articles

spot_img
WhatsApp