15.8 C
New York

Mareykanka: Diyaaradda wax duqeysa ee B-52 oo kusoo dhacday saldhig ku yaal California

Published:

Mareykanka: Diyaaradda wax duqeysa ee B-52 oo kusoo dhacday saldhig ku yaal California

Siddeed qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad nooca B-52 ah oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Mareykanka ay burburtay kadib markii ay ka duushay saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards ee gobalka California. Saldhigga milatarigu wuxuu bilaabay guddi ku meel gaar ah oo baaritaan ku sameeya waxa sababay shilkan. Baaritaankan oo la sheegay inuu qaadan karo muddo lix bilood ah.

Garoonka diyaaradaha oo dhan ayaa la xiray dhammaan duulimaadyadii soo galayayna waa la weeciyay kadib markii diyaaraddu ay ku dhacday saldhiggaas. Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards wuxuu qiyaastii (161 kiiloomitir) ka xigaa waqooyiga magaalada Los Angeles waana hoyga ay inta badan ciidamada cirka ku sameeyaan tijaabada qarsoodiga ah ee diyaaradaha dagaalka.

Related articles

Recent articles

spot_img