20.6 C
New York

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Published:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya – 14 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (The AI Summit Somalia 2026), oo ah madal heer qaran ah oo lagu gorfeynayo doorka Garaad Gacmeedku (Artificial Intelligence – AI) ku yeelan karo horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta hal-abuurka, dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya. Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Bulshada Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Somalia Community), isla markaana si dhow ula shaqeysay Jaamacadda Zamzam iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (

Munaasabadda furitaanka waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Dr. Maxamuud Maxamed Xasan (Harbi), Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam ee Culuumta iyo Teknoolojiyadda; Prof. Dr.

Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed; Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; iyo Mudane Axmed Ismaaciil Diiriye, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah u iftiimiyay fursadaha iyo muhiimadda uu Garaad Gacmeedku u leeyahay horumarka iyo mustaqbalka Soomaaliya. Shirka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday Dowladda, jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare, cilmi-baarayaal, khubaro teknoolojiyadeed, hal-abuurayaal, ganacsato, ururrada bulshada rayidka ah, arday, iyo daneeyayaal kale oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada. Labada maalmood ee shirku socdo waxaa lagu falanqeynayaa maamulka iyo nidaaminta Garaad Gacmeedka, iyo sidoo

Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay in la abuuro madal mideysa dowladda, bahda tacliinta sare, cilmi-baarayaasha, ardeyda, hal-abuurayaasha, shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo dhiirrigeliyo wada-shaqeyn wax ku ool ah iyo xalal ku dhisan Garaad Gacmeed oo ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee Soomaaliya. Shirkan waxaa taageeraya oo maalgeliyey Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo Mashruuca SCALE-UP.

Related articles

Recent articles

spot_img
WhatsApp