Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashigooda kalluumeysiga, Tamarta iyo Macdanta
Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Masar ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga ah, batroolka iyo khayraadka macdanta, kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhex maray masuuliyiin sare oo labada dal ka kala socday. Wafdi ka socda Masar oo booqashada ku yimid Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Fu’aad Shariif, ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, iyo Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, Daahir Shire. Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada khayraadka badda, kalluumeysiga, ganacsiga, batroolka iyo ma
Kulammada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray iskaashiga farsamada, kobcinta aqoonta iyo tababarrada xirfadeed, kuwaas oo loo arko arrimo muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ka faa’iideysato awoodda dhaqaale ee xeebteeda dheer iyo khayraadka dabiiciga ah ee weli aan si buuxda looga faa’iideysan. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay danaynayso dhismaha iskaashi istiraatiiji ah oo dhiirrigeliya maalgashiga isla markaana fududeeya gudbinta khibradaha iyo aqoonta xirfadeed ee loo baahan yahay. Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto dardargelinta koboca dhaqaale iyadoo horumarinaysa waaxyaha muhiimka u ah soo kabashada dalka, sida kalluumeysiga, tamarta iyo warshadaha soo saarista
Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer dhulweynaha Afrika ayaa si gaar ah mudnaan u siisay dhaqaalaha buluugga ah inuu noqdo tiir muhiim u ah horumarka mustaqbalka. Sanadihii u dambeeyay, xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa si weyn u kobcay, iyadoo labada dal ay iskaashi ka yeesheen dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhaqaalaha. Iskaashigan sii xoogeysanaya ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee gobolka looga shaqeynayo iskaashiga iyo danaha wadajirka ah ee ganacsiga, horumarinta iyo arrimaha badda.
Kulamada waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Masar ee Soomaaliya, Maxamed Saalax, iyo masuuliyiin kale oo sare oo ka socday labada dowladood. Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Masar ayaa muujiyey in iskaashiga la xoojinayo uu gacan ka geysan karo horumarinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyin cusub iyo koboc waara oo Soomaaliya ka hirgala sannadaha soo socda.

