28.1 C
New York

Wararka: Madaxweynaha Puntland oo weeraray Madaxda Dowladda Somalia.

Published:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna eedaymo culus u jeediyey Madaxda Dowladda Federalka ah ee Somalia.

“Waxaa dhammaaday sharci ahaanshihii Hay’adaha dowladda federalka ah oo ku ekaa 15 May, waxaana Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed shaaciyey in Xasan Shekeh loo aqoonsaday Madaxweynihii hore ee Somalia, waxaan juhdi geliney qorshe lagu helayo hanaan heshiis lagu yahay laakiin waxaa nasiib darro ah in Madaxweynihii hore uu afduubay hay’adihii federalka”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo sharci oo uu Madaxweynihii hore ee dalka ku sameeyey hanaankii heshiiska lagu ahaa, wuxuuna duullaan toos ah ku hayaa hanaankii federalka iyo maamulada kajira dalka, wuxuuna Madaxweynihii hore si bareer ah u abuuray Burcad-badeed, wuxuu horay duullaan hubaysan ugu qaaday Raaskambooni oo uu ku diley muwaadiniin Soomaaliyeed, wuxuu sidooo kale khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyey ka sameeyey Magaalada Baydhabo isagoo meesha ka saaray hanaa

Faahfaahinta

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh carqaladaynta kacdoonkii bulshada gobolka Sool iyo dagaalka Cal-miskaad,”Xasan Sheekh wuxuu December 2023 isku dayey inuu horjoogsado kacdoonkii shacabka gobolka Sool, waxaana shacabka walaala ah ee deegaamada Puntland diideen rabitaankiisa isku dirka ah, wuxuu kaloo siyaasadeed carqaladayna ku sameeyey dagaalkii ciidamada dowladda Puntland kula jireen Daacish.

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland sidii dowlad Madax-banaan u shaqayn doonto ayna xaq u leedahay inay gasho heshiisyo caalami ah, si ay u horumariso deegaankeeda.

“Dowladda Puntland weli kama quusan kamid ahaanshaha Dowlad Soomaaliyeed federal ah laakiin inta laga helayo hanaan heshiis lagu yahay Puntland waxay xaq u leedahay inay gasho heshiisyo caalami ah oo amni, dhaqaala iyo maalgashi, waxayna soo dhaweynaysaa cidkasta oo maalgashanaysa”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img