21.9 C
New York

Wararka: Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in rabshadii Muqdisho g…

Published:

Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa markii ugu horreysey ka hadlay rabshadihii u dhexeeyey mucaaradka iyo…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa markii ugu horreysey ka hadlay rabshadihii u dhexeeyey mucaaradka iyo dowladda ee 3-dii June 2026 ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhacdooyinkaasi ay saamayn xooggan ku yeesheen kalsoonidii maalgashadayaasha caalamiga ah, isagoo xusay in shirkado iyo maalqabeenno qorsheynayay inay balaayiin doollar ku maalgashadaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca shidaalka ay dib uga laabteen qorshahooda, sababo la xiriira deganaansho la’aantii Magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay in dhacdooyinkaasi ay dunida u muujiyeen sawir aan wanaagsanayn oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, wuxuuna mucaaradka ku eedeeyay inay dhaqaale ku bixiyeen sidii loo baahin lahaa rabshadahaas, si loo wiiqo kalsoonida maalgashadayaasha iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.

Faahfaahinta

Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa ku dooday in ololahaasi uu si gaar ah u saameeyay maalgashi la xiriiray sahaminta iyo soo saarista shidaalka, isagoo difaacay doorashooyinkii dhowaan ka dhacay gobolka Banaadir iyo magaalada Baidoa, isagoo ku tilmaamay kuwo muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img