Marin-biyoodka Hormuz oo dib loo xiray kadib dagaalka Iran.
Jamhuuriyadda Iran ayaa ku dhawaaqday xiritaanka marin-biyoodka Hormuz kadib weerarro cusub oo Mareykanku ku qaaday bartilmaameedyo…
Jamhuuriyadda Iran ayaa ku dhawaaqday xiritaanka marin-biyoodka Hormuz kadib weerarro cusub oo Mareykanku ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran, waxaana ilaalada kacaanku shaaciyeen in dhammaan maraakiibta shidaalka iyo kuwa ganacsiga laga mamnuucay inay maraan marinkaasi, isla markaana la bartilmaameedsan doono cid kasta oo isku dayda inay isticmaasho. Iran ayaa sheegatay inay qaaday weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalalka Baxrayn, Kuweyt iyo Urdun, kadib duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay in weerarradii ay ku qaaday Iran ay ahaayeen kuwo is-difaac ah
Tehran ayaa ku adkaysanaysa in marinka si buuxda loo xiray, halka Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) uu sheegay in maraakiib ganacsi ay weli marayaan marinka inkasta oo dhaq-dhaqaaqu uu si weyn hoos ugu dhacay.

