34 C
New York

Wararka: Xogta duqeyn culus oo ka dhacday duleedka Baydhaba

Published:

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay bannaanka magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay, kaas lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka Soomaaliya

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa timid kadib markii dhaq-dhaqaaq laga dareemay aaga magaalada Baydhaba, kadibna diyaarado dagaal ayaa beegsaday maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diyaarinayay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Khawaarijta ayaa doonayay in ay soo weeraraan fariisimaha ciidamada dolwada iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku yaalla koonaha magaalada, balse markii la ogaaday kadib ayaa lagu duqeeyay goobta.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa innoo sheegay in howlgalkan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay argagixisada, balse ma shaacin tirada rasmiga ah.

Faahfaahinta

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo ku aadan duqeynta Al-Shabaab lagu beegsaday ee ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba.

Horay waxaa magaaladan weerarro uga fuliyay ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo illaa iyo hadda ku sugan agagaarka Baydhaba, halkaas oo ay ku leeyihiin fariisimo ciidan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli shalay Koonfur Galbeed ay ka dhacday doorashada maamulka OO Madaxweyne loogu doortay Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo beddalaya Cabdicasiis Lafta-gareen oo hadda dibad joog ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img