25.7 C
New York

Wararka: DFS oo warbixin ka soo saartay tallaabadii Maraykan loogu …

Published:

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay xaaladda garsooraha…

Wararka Soomaaliya

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay xaaladda garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, kaas oo ka baaqday ka qeybgalka tartan kubadda cagta ah oo ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay inay si weyn uga xun tahay duruufaha sababay in garsooraha Soomaaliyeed uu seego fursaddan muhiimka ah ee heerka caalami ah. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in markii la ogaaday caqabadaha haysta Cumar Cartan la sameeyay dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran si xal loogu helo arrinta.

Sida lagu sheegay bayaanka, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa arrintan kala shaqeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Mareykanka iyo hay’adda FIFA, iyadoo la doonayay in si degdeg ah loogu suurtageliyo garsooraha inuu ka qeyb galo tartanka.

Faahfaahinta

Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay sheegtay in inkastoo dadaalladaas la sameeyay aan lagu guuleysan in xal laga gaaro arrinta, taasoo sababtay inuu Cumar Cartan ka maqnaado tartanka. Dowladda ayaan sidoo kale shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in loo diido gelitaanka Mareykanka.

Wasaaraddu waxay ku tilmaantay Cumar Cartan mid ka mid ah tusaalooyinka ugu wanaagsan ee muujinaya kartida iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo xustay in guulihiisa garsoornimo ay sharaf iyo sumcad u yihiin guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img