Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu diiday inuu dalkeeda galo garsooraha Soomaaliyeed ee ugu wanaagsan…
Faahfaahinta
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu diiday inuu dalkeeda galo garsooraha Soomaaliyeed ee ugu wanaagsan Qaaradda Africa Cumar Cartan oo loo qorsheeyay inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee ka qabsoomaya Maraykanka Canada iyo Mexico.
Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) ayaa Isniintii xaqiijisay in Cumar Cartan aan loo ogolaan inuu dalka soo galo ka dib markii uu Sabtidii gaaray Koonfurta Florida.
Dhanka kalena, Afhayeen u hadlay xiriirka FIFA ayaa u sheegay wakaaladda AFP in ururka kubadda cagta adduunku uusan wax awood ah u lahayn sharciyada socdaalka ee dowladaha martigelinaya tartamada, aysanna FIFA awoodin inay wax ka qabato go’aanka ay dowladda Mareykanku ku diidday dal-ku-galka garsooraha Soomaaliyeed.
Cartan ayaa sheegay inuu ku safrayay baasaboorka diblomaasiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo sare u qaadday su’aalaha la xiriira sababta loo diiday codsigiisa, dad badan ayaana aaminsan in ka qeybgalka Koobka Adduunka uu ahaa fursad taariikhi ah oo u furneyd garsooraha Soomaaliyeed, isla markaana uu matali lahaa Soomaaliya iyo Afrika guud ahaan.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay in Cumar Cartan loo diido gelitaanka Mareykanka, haddana dhacdadan ayaa kusoo beegantay iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu Madaxweyne Donald Trump ku daray liisaska xayiraadaha socdaalka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

