23.5 C
New York

Diyaaradaha NATO oo kusoo riday diyaarad drone ah hawada dalka Latvia

Published:

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa gashay hawada Latvia sababo la xiriira ‘dagaal elektaroonik ah oo Ruushku sameeyay’, sida ay sheegeen militariga.

Faahfaahinta

Diyaaradaha dagaalka ee NATO ayaa soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ka timid dhanka Ukraine oo soo gashay hawada Latvia.

Milatariga Latvia ayaa Isniintii sheegay in diyaaradaha Faransiiska ay burburiyeen “diyaarad drone ah” oo soo gashay hawada Latvia sababo la xiriira dagaalka elektaroonigga ah ee Ruushka, iyagoon sheegin meesha ay ka timid diyaaraddan.

Dhacdadan ayaa muujineysa cabsida laga qabo in dagaalka Ruushka iyo Ukraine kusii fido waddamada deriska ah ee qayb ka ah isbahaysiga NATO.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Ukraine ay kordhisay weerarrada ay ku qaadayso Ruushka, iyadoo Moscow ay adeegsanayso qalabka elektaroonigga ah oo jihada uga khalado Diyaaradaha Droneka ee Ukraine. Hadalka ka soo yeeray ciidamada Latvia ee ku saabsan “dagaalka elektaroonigga ah ee Ruushka” ayaa u muuqda in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee la soo riday ay u badan tahay inay ka timid Ukraine.

Burburka diyaarad aan duuliye lahayn oo Ukraine ah ayaa sidoo kale laga helay goob ku taal Moldova Isniintii kadib markii ay soo gashay hawada dalkaas, taasoo ah dhacdo ay mas’uuliyiintu sidoo kale ku eedeeyeen Ruushka.

Toddobaadkii hore, diyaarad nooca drone-ka ah ayaa ku qaraxday dekedda Constanta ee Romania. Ukraine ayaa markii dambe xaqiijisay inay diyaaradaasi iyadu lahayd oo ay Ruushku jihada ka khaldeen.

Sidoo kale, diyaarad drone ah oo uu Ruushka leeyahay ayaa ku dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaal bariga Romania dabayaaqadii bishii Maajo, iyadoo dhaawacday laba qof, taasoo keentay in dowlada Romania ay ku baaqdo in NATO ay dedejiso taageerada awoodaha ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa ka digtay shilalkan iyo in dagaalka Ruushku uu “si isa soo taraysa u noqonayo khatar toos ah oo ku wajahan waddamada Yurubta Bari” waxayna sheegtay in loo baahan yahay in si mideysan looga hortago.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img