Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Saddexaad ee guddoomiyaasha magaalooyinka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan duqeyda degmooyinka dalku. Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dowladaha hoose, tayeynta adeegyada bulshada iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamulka degmooyinka. Hay’adaha caalamiga ah ayaa muddo dheer ku adkeysanayay in maamullo deegaan oo awood leh ay muhiim u yihiin horumarinta adeegyada bulshada, kor u
Isagoo ka hadlayay furitaanka shirka, Wasiir Xoosh ayaa sheegay in maamullada degmooyinku ay safka hore kaga jiraan wax ka qabashada caqabadaha saameeya bulshada, sida amniga, abaaraha, barakaca, isbeddelka cimilada, khilaafaadka deegaanka iyo murannada la xiriira kheyraadka. “Xoojinta dowladaha hoose ma aha oo keliya siyaasad la qaato, balse waa tiirka adeeg bixinta, horumarka iyo ka qeybgalka dimuqraadiyadeed ee bulshada,” ayuu yiri wasiirku. Waxaa xusid mudan, Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay dowladda federaalku uga go’an tahay hirgelinta nidaamka maamul-daadejinta iyo dhismaha h

