23.2 C
New York

Israa’iil oo qaadday weeraro ay kaga aargudanayso Iiraan.

Published:

Ciidanka cirka ee Israa’iil ayaa aroornimadii hore ee Isniinta weeraray bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha iyo galbeedka…

Ciidanka cirka ee Israa’iil ayaa aroornimadii hore ee Isniinta weeraray bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha iyo galbeedka Iiraan, taas oo aargudasho u ah gantaallo ay Iiraan xalay ku garaacday dhulka ay haysato, markii ugu horreysey tan iyo markii la gaarey heshiiska xabad-joojinta April 8 2026.

Telaviv waxay sheegtay inay beegsanayso goobaha laga tuuro gantaallaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee aan xiriirka la lahayn qaybta tamarta, waxaa qaraxyo laga maqlay dhowr magaalo oo Iiraan ah, oo ay ku jirto Tehran, taasoo keentay in la xiro hawada garoonka caalamiga ah ee magaaladaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilowgii weydiistay Netanyahu inuusan aargudan, sidoo kale, mas’uul ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ciidanka Mareykanku aysan ku lug lahayn duqaymahan, iyagoo weerarkaan ku tilmaamay mid “xaddidan”.

Duqaymaha labada dhinac ayaa halis weyn ku ah wadahaddaladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, wuxuuna horseedi karaa inuu dib u qarxo dagaal baahsan, shacabka iyo madaxda gobolka ayaa isha ku haya hanjabaadda Iiraan ee ah inay ballaarin doonto weerarkeeda haddii ISR|L sii wadato ficilladeeda

Related articles

Recent articles

spot_img