29 C
New York

Siyaasiyiinta mucaaradka oo dhaqdhaaqyo ka wada Magaalada Muqdisho.

Published:

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Muqdisho ka wada dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee ay…

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Muqdisho ka wada dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee ay ugu diyaar garoobayaan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda federalka ah ee Somalia.

Dibadbaxyadaan ayey mucaaradku kaga soo horjeedaan mudda dhaafka hay’adaha dowladda, arrimaha dastuurka iyo boob ay sheegeen in lagu hayo dhulka danta guud iyo kan dadweynaha ee gobolka Banaadir ayna ka dambeeyaan Madaxda dowladda iyo ganacsato xuluufo dhaw la ah.

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa degey agagaarka Miranaayo, halka Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre uu degey afaafta hore ee Madaxtooyada Somalia, si ay culayska ugu kordhiyaan dowladda.

Siyaasiyiinta ka soo baxay xayndaabka aadka loo ilaaliyo ee garoonka Aadan Cadde ayaa ka cabsi qaba in marka la gaaro xilliga banaanbaxa ay ciidanka dowladdu iridaha ka xiraan si aysan uga qaybgelin isu soo baxyada Muqdisho.

Related articles

Recent articles

spot_img