Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa qoraal kulul oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku weeraray dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay hoggaamiyayaasha mucaaradka ka wadaan magaalada Muqdisho, isaga oo ku eedeeyay inay wadaan abaabul horseedi kara qalalaase iyo dagaal ka dhaca caasimadda.
Cosoble ayaa qoraalkiisa si gaar ah ugu hadlay doorka Senator Cabdiraxmaan Faroole ee olalaha ka socda Muqdisho iyo sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u fulinayaan qorshihiisa, sida uu hadalka u dhigay.
“Sen C/raxmaan Faroole gacan baan kuu taagay. Waxaan ogaaday inaad Hawiye iiga aqoon badan tahay oo ay suurtagal tahay inuu mashruucaadii ka hirgalo Xamar,” ayuu Cosoble ku yiri qoraalkiisa.
Hadalkan ayaa yimid xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan hoggaamiyayaasha mucaaradka, kuwaas oo ka soo horjeeda qorshaha dowladda ee doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka, islamarkaana isku dayaya in rabshado ay ka dhacaan caasimadda, si ay ugu qasbaan madaxweynaha in uu ka laabto muddo kororsiga.
Cabsi laga qabo qalalaase
Cali Cosoble ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu dareemay in hadallo hore oo laga sheegayay awoodda mucaaradka Muqdisho ay hadda u muuqdaan kuwo dhaqan galaya.
“Wuxuu dareen i galay markii ka dhiidhin kari waayeen warkaagii ahaa ‘Shariifka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur beynu heysanaa oo ka adeegsan doonaa Xamar’,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya Faroole.
Inkasta oo Cosoble uusan soo bandhigin caddeyn rasmi ah oo muujineysa in mucaaradku qorsheynayo dagaal, haddana qoraalkiisa ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho uu ka gudbo hadal iyo bannaanbax, una wareego xaalad amni.
Mucaaradka ayaa dhowaan kordhiyay cadaadiska ay saarayaan dowladda federaalka, iyagoo ku eedeynaya inay ku fashilantay heshiis siyaasadeed oo laga gaaro doorashooyinka, dastuurka iyo hannaanka awood-qeybsiga.
Dowladda iyo taageerayaasheeda ayaa dhankooda ku doodaya in mucaaradka uu rabo inuu rabshado ka abuuro caasimadda si loo qasbo madaxweynaha inuu ka laabto qorshihiisa muddo-kororsiga.

