24.6 C
New York

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo si xowli ah u socda

Published:

Garoowe (Caasimada Online) – Warar ay Caasimada Online ka heshay magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ciidamo tiradoodu ka badan tahay 500 oo laga soo ururiyay beelaha gobolka Nugaal tababar looga furay duleedka deegaanka Eyl, kuwaas oo ka madax-bannaan maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku howlan ururinta iyo tababarka ciidamada, howshan waxaa qeyb ka ah xildhibaanno ka tirsan Puntland iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Saciid Deni.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan, oo barbar socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed, ayaa ka dhashay saluug ay qabaan qaar ka mid ah beelaha gobollada Nugaal iyo Mudug. Waxaa sidoo kale kusoo biiray toddobo beelood oo deggan gobolka Bari, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay shirar ku lahaa Boosaaso.

Waxaa la ogyahay in ciidamo taabacsan Saciid Deni ay isku dayeen inay hor istaagaan shirkii beelaha Bari, balse shirku ugu dambeyn qabsoomay, xilli ay jireen cadaadis iyo xaalad awood-sheegasho ah.

Ururinta ciidamada, oo ka dhalatay fikradda xildhibaanno Puntland ka tirsan iyo siyaasiyiin saluugsan maamulka Deni, waxaa sidoo kale taageeray siyaasiyiin iyo xildhibaanno Puntland kasoo jeeda oo xilal ka haya dowladda federaalka. Siyaasiyiintan ayaa muujiyay taageero, iyagoo ku dhiirri-geliyay dhinacyada wada dhaqdhaqaaqa inay xoojiyaan kacdoonka, xilli ay jiraan ballan-qaadyo dhaqaale iyo hub.

Waxaa laga cabsi qabaa in tallaabooyinkan ay sii socdaan, maadaama beelo badan ay haatan raacayaan waddadii beelo kale oo hore u sameystay ciidamo aan ka amar qaadan xukuumadda Deni.

Taariikhda Puntland, inta la ogyahay, horay uma dhicin in ay istaagaan mashaariicdii iyo dhaqaalihii ay maamulkaas ka heli jireen dowladda federaalka, oo ay ku jiraan kabka miisaaniyadda iyo mashaariicda horumarineed. Arrintaas ayaa sababtay dhaqaale-xumo baahsan iyo dhaqdhaqaaq la’aan ka jirta Puntland, iyadoo indhaha shacabka ay kusoo jeesteen Madaxweyne Saciid Deni, oo xiriirkii u jaray dowladda federaalka.

Madaxda hore ee Puntland uma aysan dhiirran, mana aysan qaadin tallaabooyinka uu Saciid Deni xiriirka ugu jaray dowladda federaalka. Go’aankaas ayaa sababay in ay istaagaan wada-shaqeyntii iyo dhaqdhaqaaqyadii u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda federaalka, taas oo shacabka u horseeday shaqooyin badan oo istaagay iyo mushaar la’aan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maalin ka hor farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee xiriirka la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inaysan noqon kuwo loo adeegsado wax uu ku sheegay burburinta Puntland iyo faragelinta deegaannadooda.

“Siyaasiyiinta reer Puntland ee Xasan la qaraaban jiray waxaan leenahay: Xasan xilligiisii wuu dhammaaday ee yaanan Puntland la idiin soo dirin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor.

Hadalka Lugatoor ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Boosaaso ay maalmihii la soo dhaafay gaareen siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo Muqdisho ka yimid, kuwaas oo shirar ka dhan ah Saciid Deni iyo maamulkiisa ka waday Boosaaso.

Sidoo kale, magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa ku sugan ciidamo tiro badan oo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, kuwaas oo qaarkood xilal ka hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deeqaha maaliyadeed ee caalamiga ah ee loogu talagalay horumarinta Soomaaliya badankood waxay soo maraan Dowladda Federaalka. Khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland ayaa marar badan sababay in la hakiyo lacagihii kabka miisaaniyadda iyo mashaariicdii horumarineed ee Puntland uga imaan jiray dibadda iyo dowladda federaalka.

Caqabadaha dhanka saxiixyada iyo iskaashiga farsamo ee labada dhinac ayaa sidoo kale mararka qaar dib u dhac ku keena mashaariic waxtar u lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Source: Caasimada Online

Related articles

Recent articles

spot_img