Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa warqad rasmi ah oo ay u direen
Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa warqad rasmi ah oo ay u direen wakiillada caalamiga ah iyo safaaradaha shisheeye ku eedeeyay saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka inay ku lug leeyihiin falal ay ku tilmaameen xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Xildhibaannadan ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin, iyo saraakiil la shaqeeya ay ku lug leeyihiin tacadiyadaasi.
Qoraalka ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in baaritaanno madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha loo jeediyay saraakiishan, iyadoo xildhibaannadu ay ku baaqeen in beesha caalamku si dhow ula socoto xaaladda isla markaana qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagula xisaabtamayo cid kasta oo lagu helo dambiyada lagu eedeynayo.
Source: Horseed Media

