More

    Ciidamada Mareykanka oo soo Gebagabeeyay hawlgal ka dhan ah ISIS-ta Soomaaliya

    Published on:



    , 2025-08-26 10:59:01 ,

    AFRICOMQoraalka sawirka, .Saacad ka horWarbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in la soo afjaray howlgal socday muddo toddobaadyo ah isla markaana lagu beegsaday fariisimo iyo aaggag ay ku suganaayeen Daacishta Soomaaliya.”Isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la’ dhammeystiray hawlgalkan socday muddada laba toddobaad ah oo ku dhammaaday Agoosto 23-keedii, 2025-ka”. Hawlgalkan oo ahaa weerarro cirka ah ayaa lagu beegsaday kooxda ISIS-Soomaalia ee ku sugan deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Golis oo ah meel ay ku dhuuntaan hoggaanka sare ee kooxda ISIS.”Duqeymahan lagu beegsaday kooxda waxay caddeynayaan go’aankeena iyo sida ay nooga go’ntahay inaan ka difaacno Mareykanka iyo saaxiibadeen halista argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Janaraal Dagvin Anderson, oo ah Taliyaha Taliska AFRICOM. “Waxaan hambalyeynayaa ciidamada milatariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee qeybta ka ahaa hawlgalkan, iyo sidoo kale saaxiibadeen Soomaaliyeed oo qeyb weyn ka qaatay fulinta hawlgalkan adag.Waxay muujiyeen heer sare oo qorsheyn iyo iskaashi ah, iyagoo beegsanaya urur doonaya inuu argagixiso u dhoofiyo Mareykanka iyo xulafadiisa.”AFRICOM, oo ay la shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijooyinka hawlgalkan. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin doono hawlgalkan si loo ilaaliyo amniga howlgalka, aya alagu yiri warbixinta la soo saara.Taliska Mareykanka ee Afrika ma sheegin howlgalladaan cidda sida gaarka ah loogu beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay midna.Sidoo kale ma cadda in Mareykanka sii wadayo howlgalladiisa Soomaaliya ee ka dhanka ah ISIS, iyo in kale maadaama waxa hadda la soo gabagabeyay uu yahay howgal socday toddobaadyo.Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa sanadkana horraantiisii amar ku bixiyay in la duqeeyo buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya halkaasi oo la aaminsanyahay in ay kooxda Daacish ku xooggantahay, qoraal uu xilligaas soo dhigay barihiisa bulshada ayuu ku yiri “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!” FacebookQoraalka sawirka, .Hadalkaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada maamulka Puntland ay saacado ka hor shaaciyeen in taliyaha ciidamada booliska Puntland Jeneraal Muumin Cabdi Shire oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalka Hilaac ay gaareen jiidaha hore, gaar ahaan aagga Yucrinta iyo Goble ee Baallade, halkaasi oo ay ciidamada difaaca Puntland ay sheegeen in ay ku go’doomiyeen xubno Daacish ka tirsan.Ciidamada Puntland ayaa muddaba Daacish kula dagaallamaya dhul ballaaran oo u badan dhulka buuraleyda ah, iyagoo gacan ka helaya saaxiibbada Soomaaliya. GettyQoraalka sawirka, Daabdamale, Puntland, SoomaaliyaKooxda isku magacowday Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam waxa ay si rasmi ah u soo shaac baxday sannadkii 2014-kii markaas oo ay qabsatay qaybaha ugu badan ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ka hor intii aanay lumin gacan-ku-haynta deegaannadaasi, kaddib hawlgal uu Maraykanku hor boodayo oo lagu qaaday.Inkasta oo khasaare laxaad leh uu soo gaadhay ururkan, haddana taasi ka ma hor istaagin in Daacish ay weli ahaato khatar amni oo aan la dhayalsan karin. Ka gadaal markii loogu awood sheegtay Bariga Dhexe, waxa ururku uu bilaabay in saldhigyo hor leh uu ka raadsado waddamo ay qaarkood ku yaallaan Afrika sida waddanka Mozambique iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.Si gaar ah, buuraleyda Golis ee dalka Soomaaliya ayaa noqotay meel ay saldhigyo ka samaytaan Ururka Daacish oo si rasmi ah loo bartay sannadkii 2015-kii. Inkasta oo tiradoodu ay ku bilaabantay kooxo tiro yar oo beeco la galay hoggaamiyihii guud ee ururkaasi Abu Bakar Al Baqdaadi, haddana dagaalyahannada ku soo biiraya ayaa si weyn u soo badanayay sannadihii la soo dhaafay, gaar ahaan laga soo bilaabo 2019-kii.Gacan-ku-haynta buuralayda muhiimka ah ee Cal Miskaad ayaa dhalisay dagaallo dhex mara labada urur ee Daacish iyo Alshabaab, oo markii dambe Alshabaab looga adkaaday. Buuralaydaas ayaana ilaa hadda ah xarunta ugu weyn ee ISIS ay kaga sugan tahay gudaha Soomaaliya.Markii uu talada Daacish qabtay Cabdiqaadir Muumin, oo ahaa macalin qur’aan hore u degganaa Ingiriiska iyo Iswiidhan, oo hore uga soo goostay lana dagaallamay ururka Alshabaab ayaa kooxdu waxa ay gaadhay awood ahaan heerkeeda ugu sarreeya iyada oo ajaaniib badan ay ku dhiirradeen in ay siyaabo kala duwan ku soo galaan gudaha Soomaaliya.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here