, 2025-08-04 14:19:32 ,
 Getty ImagesQoraalka sawirka, Al-Shabaab waxay muddo dheer dagaal kala soo horjeeddaa dawladda SoomaaliyaArticle InformationSida lagu xusay maqaal uu daabacay Mac’hadka Daraasaadka Istaraatiijiyadda ee Africa Centre for Strategic Studies (ACSS), Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka gashay dilalka ugu badan ee ay gaystaan kooxaha xagjirka ah ee guud ahaan Qaaradda Afrika, sannadkii la soo dhaafay, taasi oo ka dhigan ku dhowaad saddex meelood meel dhammaan dilalka guud ee ka dhacay qaaradda.Warbixinta ayaa lagu sheegay in 7,289 qof lagu dilay Soomaaliya sannadkii 2024-ka, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay iska horimaadyada xooggan ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Kaliya gobolka la yidhaahdo Saaxil ee galbeedka Afrika ayaa laga soo sheegay dhimasho ka badan tan Soomaaliya, iyada oo la diwaangeliyay dhimashada 10,685, halka Dooxada Chad ay gashay kaalinta saddexaad. Aaggan waxa ku midaysan wadammada Nayjeeriya, Kameroon, Chad iyo koonfur-bari Niger. Isku darka saddexdan aag ayaa ka dhigan 99 boqolkiiba dhammaan dhimashada ka dhalatay weerrada xag-jirnimada ee Afrika sannadkii la soo dhaafay.”Kooxaha mintidiinta ah ee Islaamiyiinta Afrika waxay weli yihiin kuwo firfircoon marka laga hadlayo falalka ka dhanka ah amniga iyo xasillooni-darrada,” ayaa lagu yidhi warbixinta ACSS. “22,307 oo dhimasho ah oo la la xidhiidhiyay kooxahan sannadkii la soo dhaafay ayaa kor u qaaday heerka dilalka tan iyo 2023-kii waxayna ka dhigan tahay korodh qiyaastii gaadhaya boqolkiiba 60 marka laga soo bilaabo 2020-2022.”Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 2023-kii waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo hawlagallo ka dhan ah ururka al-Shabaab. Warbixinta ayaa lagu xusay in weerrarada u dhaxeeeya dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Al-Shabaab ay sannadkii u dambeeyay ku dhinteen 6,224 qof taasi oo noqonaysa laba jibbaar tirada la soo weriyay 2022-kii.ACSS waxay ku qiyaastay in al-Shabaab ay sannad walba ka soo gasho canshuuraha, baadda, iyo tahriibka ilaa $200 milyan, taasoo ka dhigaysa dhaqaale ahaan in ay la mid tahay dawladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya. Qiyaasaha ciidanka ka amar qaata Shabaabka ayaa lagu sheegay inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalyahan.Axmed Kaboole oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga oo BBC-du waraysatay ayaa arrintan ku sababeeyay “in al-Shabaab ay tahay koox ka halis badan kuwa la jaadka ah ee ka dhisan Qaaradda Afrika. “”Waxaan is leeyahay, al-Shabaab markii la barbar-dhigo kooxaha kale ee ka jira galbeedka Afrika, waxa aad mooddaa in ay ku shaqeeyaan qaab maamul oo aanay ahayn koox guurguuraysa. Waxay maamulaan deegaan ballaadhan oo u sahlaya in ay dagaal fool-ka-fool ah la galaan dawladda, qabaa’ilka iyo ciidammada taageera Soomaaliya. Waana mid ka awood badan kooxaha xagjirka ah ee la nooca ah. Taasina waxa ay keenaysaa in ay dhimashadu badato,” ayaa uu yiri. Saamaynta ururka Daacish  Radio DalsanQoraalka sawirka, Ciidanka Puntland Buuraylada fog ee gobolka ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya ee Puntland, waxa ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada maamul-goboleedkaas iyo dagaalyahannada Ururka Daacish.Warbixintu waxay intaasi ku dartay in sidoo kale Soomaaliya ay  hoy u noqotay kooxda sheegata Dawladda Islaamiga ah Daacish kuwaas oo sare u qaaday heerka dadka ku dhintay Soomaaliya sannadkii tagay, iyada oo la diiwaangeliyay 1,065 dhimasho ah oo noqonaysa mid aad uga badan sannadkii ka horreeyay. Puntland ayaa sanadkii hore ee 2024 waxa ay iclaamisay hawlgal ka dhanka Ururka Daacish oo in muddo ah saldhigyo ku lahaa buuralayda Calmiskaad ee Soomaaliya. Waxaana la soo wariyay tiro duqaymo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya oo uu Maraykanku ku jiro. Calmiskaad waa deegaan fog oo in lagu noolaado aanay sahal ahayn. Hase ahaatee, sababta ugu weyn ee kooxaha xagjirika ahi ay u xusheen goobtan ayaa loo arkaa in ay tahay meel lagaga dhuuman karo duqaymaha dhinaca cirka ee marar badan uu Marykanku halkan ka fuliyo. Waana sababta ay marar badan gacan-ku-haynteeda ugu dagaallameen Daacish iyo al-Shabaab. Dagaalkan muddada bilaha ah ka socday deegaannadan ayaa ay falanqeeyeyaashu qabaan in uu kor u sii qaadayo tirada dhimasahda ee la diiwaangeliyay. “Ma aha keliya al-Shabaab ee waxa ay u muuqataa in meelo badan oo dalka ah uu dagaal ka socdo. Daacish waa koox kale oo halisteeda leh,” ayuu yiri Kaboole.Si guud, 10-kii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya iyo Saaxil oo dhacda galbeedka Afrika waxay noqdeen aagagga ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan. Labaduba waxay diiwaangeliyeen in ka badan 49,000 oo dhimasho ah tan iyo 2014, taas oo dhaaftay tirada dhimashada Dooxada Chad Basin oo iyadu ah 39,000.Colaadda qabaa’ilka Soomaalida Qodob kale oo loo arko in sannadkii la soo dhaafay uu badiyay dilalka diiwaangasahn ee Soomaaliya waa dagaalka dhex mara qabaa’ilka oo ka dhacay meelo dhowr ah. “Waxaan la soconnaa in muddooyinkii la soo dhaafay ay dagaallo ay ka dhaceen deegaanno dhowr ah oo Laascaanood ku jirto. Colaadda qabaa’ilka wada dega Shabeelaha Hoose” ayuu intaa raaciyay. Ahmed KaboleQoraalka sawirka, Axmed Kaboole, falanqeeye arrimaha amniga Al-Shabaab ma waxay yaraysay beegsiga dadka rayidka ah? Warbixintan uu daabacay Mac’hadka Daraasaadka Istaraatiijiyadda Africa Centre for Strategic Studies (ACSS), waxa ay muujisay in dhimashada ugu badan ay ka dhalatay dagaallada. Waxaana ay hoosta ka xariiqday in weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Soomaaliya ay weli u muuqdaan kuwo hooseeya. Waxaana uu intaasi raaciyay in sannadkii la soo dhaafay la shaaciyay dhimashada 102 qof oo rayid ah, taasi oo ka dhigan kaliya laba  boqolkiiba wadarta guud. Ugu dambayntii wargyasku waxa uu walaacgelinayaa heerka sii kordhaya ee dilalka ay maleegaan kooxaha xagjirka ah, isaga oo si gaar ah hoosta uga xariiqay aagag ay kamid yihiin Soomaaliya, Saaxil, Harada Chad Basin, Mozambique, iyo Waqooyiga Afrika. “Waxay u ek tahay in al-Shabaab ay joojiyeen aragtidii hore ee jihaadka ku dhisnayd ay dadka ka gadi jireen oo ahayd in dalalka lagu soo duulay. Hadda waxa ay u beddeleen in dawladda iyo shacabka iska hor keenaan iyaga oo yareeyay qaraxyada islamarkaana waxay isku dayayaan in ay bulshada ku milmaan oo ay heshiisyo la galaan qabaa’ilka. Taasi kama dhigna in ay awood ahaan laciifeen, ” ayaa uu yidhi Axmed Kaboole.
Warbixin: Soomaaliya oo kaalinta labaad ka gashay dilalka ay xagjiriintu ka gaystaan Afrika
Published on:
