, 2025-07-23 13:52:20 ,
Getty Images2 Saacadood ka horFaafaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal ka dhacay xadka gobollada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya gaar ahaan degmada Dhas ee bariga gobolka Boorana.Isku dhacaan ayaa u dhaxeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada, kuwaas oo halkaa wada dega.Dagaallada oo dhacay toddobaadkii hore waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida labada dhinac ay BBC-da u sheegeen.Malow Maxamed Cabdi oo ka tirsan dadka deegaanka ee Soomaalida ah ayaa BBCSomali, u sheegay in dhankooda ay ka dhinteen dad gaaraya ilaa toddobo qof, isla markaana laga dhacay geel badan, tuulooyinna laga gubay.„Geel boqol gaaraya ayaa la qaaday saddex Qabale ayaa la’ gubay” ayuu yiri Malow Maxamed Cabdi.Dagaalkan u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed, iyadoo midba midka kale ku eedeynayo inuu ku soo xad-gudbay deegaankiisa.„Oromada ayaa dhul-ballaarsi billowday sida la wada ogyahay, iyagoo adeegsanaya awood milatari waxey soo degeen meelaan innagu leenahay,” ayuu yiri Malow.Dhanka Oromada ayaa iyaguna sheegay in lix qof looga dilay iska horimaadaydaas ka dhacay xadka ay wadaagaan labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Oromada.Madaxa amniga degmada Dhas Ab Guyyoo Dooyyoo kana soo jeeda dhanka Oromada ayaa BBC u sheegay in afar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen carruur.Sarkaalkan ayaa BBC-da uga warramay sida ay dhibaatadu ku bilaabatay.”Degmada Wacile waxaa ka jiray dhibaatooyin la xiriira dhul-ballaarsi dhanka xudduudaha, Soomaalida waxay tuulooyinka ka dhisteen deegaanno sharci darro ah si loo ballaariyo xadka,” ayuu yiri Ab Guyyoon.”Kadib degitaankii sharci darada ah, ayuu sheegay in iska hor imaad uu dhex maray ciidamada Soomaalida iyo kuwa Oromada.Dagaalka ayaa ka billowday markii hore degmada Wacile waxaana uu ku fiday aagga degmada Dhas, kadib markii wiil 12 jir ahaa ay dileen maleeshiyaad Soomaali ah oo sida la sheegay weerar ka soo qaaday tuulada Raaroo, sida uu sheegay Dooyyoo.”Waxay dileen wiil ari daajinayay. Markii dambena,, saddex gabdhood oo ari la jiray ayaa si naxariis-darro ah loo dilay,” ayuu yiri Ab Guyyoo Dooyyoo.Wuxuu sidoo kale sheegay in dad badan oo ku nool tuulada Raaroo ee ku taalla xadka Soomaaliya ay guryahoodii ka barakaceen kadib dilalkaas.Soomaalida ayaa iyaguna sheegaya in Oromada ay weerarka ku horreeyeen, xilli la isku dayay in la xalliyo muranka deegaanka ee labada dhinac ka dhex billowday.”Si gaadmo ah ayay wadada ugu galeen ruux ciidan ah oo mooto saarnaa,” ayuu yiri Malabow. Wararka ka imaanaya deegaannadaas ayaa hadda sheegaya in ay socdaan dadaallo labada dhinac laga dhex wado oo ku saabsan sidii loo joojin lahaa colaaddan oo mar kale qarxi karta maadama weli xaaladdu ay taagantahay.Magaalada Mooyaale ayaa ka mid ah meelaha shirarku ka socdaan si loo soo afjaro xurguftaan ka dhax aloosan Soomaalida iyo Oromada.Muranka xudduudda ee u dhexeeya Gobolka Oromiya iyo Gobolka Soomaalida, oo muddo dheer xuduud wadaag ahaa, ayaa laga dareemayaa meelo badan.Khilaafka xudduudda ee labada gobol ayaa marar badan sababay khasaare nafeed, balse weli xal dhammeystiran looma helin.
Soomaali iyo Oromo uu dagaal ku dhexmaray xadka ay wadaagaan gobollada labada dhinac ee dalka Itoobiya
Published on: