More

    Maxaa ka jira in hub lagala degey markabka ay Puntland qabatay, maxaase xog ah oo ka soo kordhay?

    Published on:



    , 2025-07-21 13:25:40 ,

    GoogleQoraalka sawirka, Xeebaha Puntland3 Saacadood ka horMaamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay Markab la sheegay in uu hub sido oo lagu qabtay Xeebaha magaalada Bareeda ee gobolka Raas-casayr.Inkasta oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin haddana wararka qaar ayaa sheegaya in markabku uu ku wajahnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Puntland ayaa xaqiijisay in markabkan uu gacantooda ku jiro islamarkaana, waxey ku eedeeyeen markabkaan oo lagu magacaabo Sea World, “in uu muddo laba maalmood ah qaab sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha Puntland”.Waxaa intaas lagu daray in labadaas maalmood aanu u soo gudbin maamulka wax codsi ah oo la xiriiray cillad iyo khatar soo wajahday.War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in “Markabkan Sea World, uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo laga yaabo inuu halis amni abuuro”.Warbixinta ayaa lagu yiri: “Waxaa xusid mudan in uu ku sugnaa meel ka mid ah aagga dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada caalamiga ah, taas oo khatar dheeraad ah gelinaysa xasiloonida iyo nabadgelyada Puntlad”.Mas’uuliyiinta maamulka ayaa BBC-da u sheegay in markabka oo hadda ku sugan magaalo xeebeedka Boosaaso lagu sameynayo baaritaan lagu ogaanayo hubka uu sido, meesha uu ka yimid iyo halka uu ku wajahnaa.”Baaritaankiisu wuu socdaa in sha Allah, dee waa loo jeedaayoo hubbaa saran nooc walba leh,waxaa la hubinayaa meeshuu u socday, waxa uu sido, iyo meesha uu ka yimid, baaritaan dhameystiran ayaa lagu sameynayaa,” ayuu yiri wasiirka wafaafinta Maxamuud Caydiid Dirir.Muuqaallo laga soo duubay markabka oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya gawaari u muuqda kuwa dagaalka oo saaran iyo agab kale oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.Maxaa ka jira in hub lagala degay? GoogleQoraalka sawirka, Baaritaan ayaa la sheegayaa in uu hadda ku socdoTan iyo markii Puntland ay gacanta ku dhigtay markabkaan, waxaa soo baxayay warar sheegayay in hub lagala degay, kaas oo gacanta u galay dadka shacabka ah ee deegaanka Bareeda oo ah halka lagu qabtay markabka.Xeer-ilaalinta gobolka Raas-Casayr ayaa 19-kii bishaan soo saartay warqad lagu amrayo taliyaha booliska qaybta gobolka Raas-Casayr in uu xafiiska la soo wadaago hubka la sheegay in markabka Sea World lagala degay gacantana u galay dad shacab ah iyo ciddii arrintaas mas’uul ka ahayd.Hadalka Xeer-ilaalinta wuxuu muujinayaa in uu jiro warka ah in markabka hub lagala degay, hase-yeeshee wasiirka warfaafinta Puntland oo BBC-du waydiisay su’aal ku saabsaneed waxa ka jira arrintaas, ayaa yiri: “Maya taasi ma jirto Boosaaso cidi hub kalama degin, cid ka horreysay cidamada ammaanka oo gaadhayna maaney jirin” ayuu yiri wasiir Caydiid.Wasiirka ayaa u muuqda in uu ka hadlay oo kaliya Boosaaso oo hadda dekaddeeda uu ku sugan yahay markabku halkaas-na aan wax hub ah looga dejin, balse uu dhanka kale shaki gelinayo intii aanu Boosaaso imaan in hub lagala degay iyo in kale.”Caddeymahey ku soo bixi doonaan haddii meel ka baxsan Boosaaso hub lagala degay, laakiin Boosaaso hub lagala degay ma jiro,”.Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sidoo kale sheegay in markabka ammaankiisa ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland isla markaana maamulkiisu uu damaanad qaadayo mas’uuliyadda markabka iyo waxa saaran.Wuxuu ka gaabsaday wasiirku su’aalo BBC-du waydiisay oo ku saabsaneed, haddii uu jiro xiriir dowladda Turkigu ay la soo sameysay Puntland oo ay kaga dalbatay in markabka la sii daayo:”Taa ma caddeyn karo anigu, baaritaan ayaa socda mana ahan in laga hordhoco baaritaanka,”.Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn ilaa iyo hadda markabka halka uu u socday marka laga yimaado wararka sheegaya in uu magaalada Muqdisho ku socday, haddana dowladda Soomaaliya ilaa iyo iminka kama aaney hadlin.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here