, 2025-07-13 18:32:27 ,
Baraha Bulshada13 Luulyo 2025Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta ka furmay shirweynaha dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo ay ka qayb galayaan ergooyin kala duwan, madaxda maamulkaas, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federalka iyo qaar ka mida Isimida dhaqanka ee deegaanadaasi.Shirka ayaa lagu waday inuu furmo 10 bishan July inkasto oo dib u dhacay ka dib kala aragti duwanaan soo baxday oo ku saabsanayd sida loo qabanayo shirkaas oo ay horrey u mudaysay qabashadiisa wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federalka.Hoolka shirka waxaan maanta lagu arkin qaar ka mid ah siyaasiinta mucaaradka ee SSC-Khaatumo oo horrey ugu biyo diiday hannaanka shirka iyo sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah isimadda SSC-Khaatumo oo dhawaan isaguna sheegay in qabsoomida shirkaas uusan tallo ku lahayn.Wasiirka arrimaha gudaha Soomaali Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka hadlayey furitaanka shirka ayaa sheegay in shaqada ka socotaa halkaasi ay u leedahay ahmiyad weyn dowlad dhiska dalka iyo wadajirka Soomaaliya.”Bulshada SSC-Khaatumo waxay qaadatay go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso dowlad gobolleed rasmi ah dastuur leh una adeegaya rabitaanka shacabka, dowladda federalku waxay garab taagan tahay dadaaladaas, sidaasina waa tallaabo lagu xaqiijinayo midnimada Qaranka, horumarka deegaanka iyo kalsoonida shacabku ku qabo dowladnimada dalkeena” ayuu yiri wasiir Xoosh. SOCIALWuxuu intaa ku daray wasiir Cali Xoosh, in labo qodob uu daarranyahay shirka ka furmay Laascaanood, kuwaas kala ah dhamaystirka dowlad goboleedka iyo qaybta labaad oo u gogol xaaraysa doorashooyinka.”Waxaa laga wada heshiin doonaa ergada rasmiga ee shirka, waxaa la samayn doonaa shir guddoonka shirweynaha, waxaa la dhisi doonaa guddi hoosaadyada kala duwan, waxaa laga wada xaajoon doonaa qeybsiga awooddaha deegaanka, qaab dhismeedka rasmiga ee dowladd goboleedka, sameynta iyo ansixinta dastuurka iyo qabashada doorashada madaxweynaha” ayuu intaas ku daray Wasiir Xoosh.Shirkan ayuu sheegay inuu saldhig u noqon doono dhammaystirka dowlad gobolleed rasmi ah oo xubin buuxda ka noqda Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya.Kala aragti duwaanta jirta Baraha BulshadaIyadoo shirku galay maalintiisii kowaad ee furitaanka haddana waxaa muuqda kala aragti duwaansho ku saabsan hannaanka shirka oo ay muujiyeen qaar ka mida Isimada dhaqanka ee deegaanadaas iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo qaarkood ay murashaxiin u yihiin xilka madaxweynimo ee SSC-Khaatumo.Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan , oo ka mida isimada dhaqanka gobollada SSC-Khaatumo ayaa saluug ka muujiyey hannaanka shirka.Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in uusan diidanayn shirka, laakiinse uu diidan yahay wax aan la isla ogayn oo aan dhamaystirnayn.”Shirkaasi ma diidani waan soo dhoweynayaa waa shirkii la sugayay, waa shirkii dadkan ay ku tashan lahaayeen, waa shirkii ay ku go’aansan lahayeen meesha ay aadayaan iyo maraxalada ay u gudbayaan oo u cad oo ah maamul buuxa oo iyagu leeyihiin inay samaystaan. Waxa aan diidanahay waxa weeye wax aan la isla ogayn aan dhamaystirnayn, khatar galinaya wixii dadkani ay lahaayeen ee qiimaha faraha badan ugu fadhiyay ee dhibka faraha badan loo soo maray in maanta Khalkhal la galiyo oo wax aan la isla hubin iyo wax aan la isla ogayn iyo wax aan laga tashan lagu dhex tuuro” ayuu yiri Garaad JaamacSuldaan Siciiid Suldaan Cabdisalaan , oo ah hoggaanka dhaqanka gobolka Sanaag ayaa isaguna ka hadlay shirkaas isagoo taageeray hadalka ka soo yeeray Garaad Jaamac Garaad Cali.”Waxaan aad ugu taageersanahay hadaladiisii qiimaha iyo qaayaha badnaa ee uu kasoo jeediyay gobolka Sool, aad baana u soo dhoweynayaa, aad buuna garaadku ugu mahadsan yahay hadaladiisa arrinta Sool ka taagan, horayna haddaan nahay isimada gobolka Sanaag iyo wax garadku aanu baaq uga soo jeedinay oo u sheegnay in cid nagu matashaa howshaa aanay jirin oo aan u soo dirsanay oo wakil nooga ah”Isagoo ka jawaabayey saluuga ay Isimadu qaar muujiyeen iyo ka qayb gal la’aanta shirka ee siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood oo hadda ku sugan Laascaanood ayuu BBC-da u sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee SSC-Khaatumo Cabdisahal Jaamac in bini’aadanku kala aragti duwanaan karaan.”Soomaalidu waxay tiraahdaa maan rag waa mudacyo afkii, dadkuna inay meel isugu yimaadan kuligood is raacaan sunnada Ilaahayba maha, shirka hadda waa la furay oo kaliya wuxuu u bahaan doonnaa wadahallo, wuxuu yeellan doonaa shir doceedyo, wuxuu u baahan doonnaa dad la raadiyo wuxuu u baahan doonnaa isku tanaasul,waxaa dhici doonta is qancin, intii hadda isla garatay inay howshaa qabtaan ayaa isu timi oo intii badnayda inta ka dhimanna waxaan rajaynayaa in la isqanciyo oo hal tub la qaado”ayuu yiri wasiirWuxuu intaa ku daray in xunbaha mucaaradka ay qaarkood yimaadeen shirka qaarna aysan imaan. Mar BBC-du waydiisay waxa ay ugu baaqdeen shirka ayuu yiri.. ” Hadda waxaa leenahay in qofkaska oo SSC-khaatumo in dowladda wax ka dhiso oo asaaska adkeeyo” ayuu yiri Sahal.Hoggaamiyaha kumeel gaarka ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo shirka ka hadlay oo si gaara uga hadlay gobolka Sanaag ayaa xusay in dhankooda wadahadallada ay ka dabcinayaan ayna dhici doonin in wadahadaladu adkaadaan oo wax la kala jiito.”Waxaa naga diyaara inaan walaalahayo warqad oo saxiixan u dhiibno oo wixii dana moodaan iyagu u ku qoraan maanta oo la isku yimidna warqadii cadayd waa naga diyaar, danta maanta u fadhino idinkaa idinka dambaynayaa idinkaan kalsooni buuxda idinku qabnaa qorshahayagu waaa intaas”ayuu yiri Firdhiye.Wuxuu intaa raaciyey in hadda loo gudbay dhamaystir, midnimo iyo wax wada qabsi. Ergooyinka ayuu xusay in qeybintooda ay u taallo hoggaanka dhaqanka.Isagoo ka hadlayey doorashooyinka ku soo food leh maamulka SSC-Khaatumo ayuu hoggaamiye Firdhiye xusay in 5 agoosto ee sanadkan ay dhici doonta doorashada madaxda mamaulkaaasi.Caqabadaha iyo fursadaha shirka SSC-KhaatumoSSC-Khaatumo, ayaa soo martay marxalado kala duwaan tan iyo markii dadkd deegaandaasi ay doorteen inay samaystaan maamul u gaara. Intii himiladaasi taalay deegaanadas waxaa jiray dhowr maamul oo lagu dhisay basle markii dambe shaqayn waayey.Dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaase hirgalay ka dib dagaal ka dhacay gobolka Sool oo gacanta Jamhuuriyadda Somaliland kaga baxday kaas oo dabadeed odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaandaasi ku dhawaaqeen dhismaha maamul Kumeel gaara oo hoggaankiisa loo doortay madaxweyne iyo ku xigeen.Dadka deegaanka ayaa muujinayey inay himiladoodu tahay helida maamul goboleed rasmi ah hase ahaatee wali caqabado ayaa jira walow ay dhinac socdaan fursado muhim ah.Mursal Maxamuud Sanay oo ah agaasimaha Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa BBC-da u sheegay in saddex qodob ay horyaalaan SSC-Khaatumo kuwaas oo kala ah caqabadaha, fursadaha iyo wax la gudboon maamulkaSida aan la socono shirkii saaka ayaa si habsami leh oga biloowday Laascaanood.”DG-ka SSC-Khaatuumo waxaa ay lee dahay deris ay u baahan tahay inay nabad , wada-shaqayn iyo deris wanaag ku wada noolaadaan. Marka waxaa la gudboon inay si kasataba u raadiso sidii ay ula yeelan lahaayeen xiriir ka tarjumaaya arrimahaas, iyaga oo ilaashanaaya masaalixdooda iyo midnimada Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Saney.Isagoo ka hadlayey fursadaha horyaalla maamulka SSC-Khaatumo, Saney waxaa uu xusay in fursadaha ay ka mid yihiinIn ay Dowlada Federaalka aqoonsatay,In dadka degaanku u bisil-yihiin inay dhistaan DG (Dawlad Goboleed) sal adag’ mug-weyn, isku filan, isla markaana adkaysa midnimadda Soomaaliya.Maadaama hada la unkayo maamul buuxa waa in hay’adaha dawlada la waafajiyaa dastuurka loo qarayo DG-ka, isla markaana ay ilaaliyaan hufnaanta iyo isla xisaabtanka.Arrimaha dad badani oo taxliilaya xaaladdda waa mida ku saabsan qaybsiga awooddaha mamaulka oo hadda u gudbaya mid dhammaystiran.Mursal Saney, wuxuu xusay in dhaqanka iyo madaxda looga baahan yahay dhowrkan qodobIn sida ugu macquulsan loo ilaaliyo awood qeybsiga deegaanada maamulkan wada-yeelanaya.In deegaanada iyo maamuladda ku soo biiraya DG-ka tixgelin la siiyo, loona moomiyo inay ka mid ahaadaan DG-kan inay ugu badin-doonto.Inay ka faa’iideeystaan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin Dawladda Dhexe.Shirka ayaa lagu wadaa inuu sii socdo maalmaha soo socda hase ahaatee ma cadda in dhaqanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka maqan ay ka qayb gali doonaan iyo in kale.
Fursadaha iyo caqabahdaha horyaalla shirka dhamaystirka SSC-Khaatumo ee maanta furmay
Published on: