Maxay tahay sababta magaalada Jigjiga loo baadhayo dadka shaqaalaha ah?

0
140



, 2024-12-28 15:11:28 ,

Abdirahman Buux

Maamulka magaalada Jigjiga ayaa soo saaray go’aanno kala duwan oo saamaynaya hablaha xaafadaha ka shaqeeya, kuwaas oo markii hore hab aan sharciyo dawli ahi jirin u shaqayn jiray.

Eng Shaafi Axmed oo Maayarka Jigjiga ayaa sheegay in qodobbadan ay soo saareen sababta keentay ay tahay wax la xidhiidha faydhawrka caafimaad ee bulshada.

Maayarka ayaa sheegay in ay doonay in maadaama magaaladii sii baahayso dad aad u bandanna soo degayaan ay lagama maarmaan noqotay in ay dabagal iyo horumarin ku sameeyaan caafimaadka magaalada.

“Shantii sano oo la soo dhaafay waxaa hormarin ballaadhan ka jiraa habka magaalada Jigjiga, taas annagoo ka duulayna waxaa la soo saaray shuruucda shaaqaalaha gudaha” ayuu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here