Waa kuwee Soomaalida ka mid ah boqolka qof ee qaaradda Afrika sanadkaan ugu saamaynta badan

0
154



, 2024-12-27 15:46:47 ,

New African Magazine

Qoraalka sawirka, Sawirka saddexda qof ee Soomaalida ah kana mid noqday 100-ka qof ee sanadkaan ugu saamaynta badan qaaradda Afrika.

Wargeyska New African ee fadhigiisu yahay London ayaa soo saaray liiska sannadlaha ah ee aadka loo sugayey ee 100ka qof ee Afrikaan ee ugu Saameynta Badan sanadka 2024. Liiskan wuxuu xusayaa guulaha iyo waxqabadka ay ku tallaabsadeen Afrikaan ka kala yimid waaxyaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo saameyn wanaagsan ku yeeshay qaaradda iyo dunida intii lagu jiray sannadkan dhamaanaya.

Waxaa xusid mudan in sanadkaan boqolkaas qof ay kamid yahiin saddex qof oo Soomaali ah, dhammaantoodna ay rag yahiin, kuwaas oo ka kala socda Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Harawe, Soomaaliya

New African Magazine

Qoraalka sawirka, SAWIRKA: Maxamed Harawe

Filim-sameeye muhiim ah oo feker dheer leh

Maxamed Harawe waa filim-sameeye xambaarsan feker qoto dheer, kaasoo ka tagay dalkiisii hooyo ee Soomaaliya sanadkii 2009 si uu ugu barto soo saarista filimada dalka Austria. Tan iyo markaas, wuxuu sameeyay filimo muujinaya dhinac Soomaaliya ah oo inta badan ka maqan indhaha warbaahinta caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here