Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeynaya qaraarka howlgalka badalaya kan ATMIS ee Soomaaliya

0
129



, 2024-12-27 09:25:28 ,

ATMIS

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa manata isugu imaanaya sidii ay ugu codeyn lahaayeen qaraarka ku aadan Hawlgalka kan ATMIS ee Soomaliya waqtigiisu dhamaanayo.

Sida uu sheegay goluhu, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa ay ka qayb gali doonaan kulankaan lagu codeynayo.

Howlgalka ATMIS oo ahayd in uu dhamaado sanadkaan ayaa waxaa uu soo afjarmi doonaa 31 da Bishan aan ku jirno ee December, taas oo ah waqtiga uu ku egyahay mudadii loo kordhiyay dhawaan ee ay codsatay dowladda Soomaaliya.

Qaraar qabyo ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa ah mid lagu taageerayo go’aanka Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika kaas oo lagu badalayo howlgalka ATMIS, laguna badalayo howlgal cusub oo lagu magacaabo Howgalka Teegerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here