Maxay Eritrea uga soo horjeesatay heshiiskii dhex-maray Itoobiya iyo Soomaaliya?

0
134



, 2024-12-25 10:10:12 ,

Xigashada Sawirka, @VillaSomalia

Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxwayanha Eritrea

Dowladda Eritrea ayaa walaac ka muujisay is-fahamkii dhawaan dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo xal loogu raadinayey khilaafka u dhexeya labada dal.

La taliye u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa ka digay halista ay yeelan karto in Itoobiya ay saldhig ak hesho badda Cas.

Cabdulqaadir Idiris oo  wasaaradda Arrimaha Dibedda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya iyo Afrika, ayaa BBC u sheegay in madmadow badan uu ku jiro heshiiska Itoobiya iyo soomaaliya ee Ankara lagu saxiixay.

Waxaa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee ay la galeen dowladda Soomaaliya uu ahaa mid ay Masar Eretria iyo Somaaliya ay isku afgarteen in badda Soomaaliya la difaaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here