23.1 C
New York

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka ka dhacay Dacawaley

Published:

[ad_1]

, 2024-12-25 17:02:55 ,

Dagaalku waxaa uu bilowday saaka subaxii hore, waxaana wararku ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka iyo shacab hubeysan.

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka, Dagaalku waxaa uu bilowday subaxii hore, waxaana wararku ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka iyo miliishiyo beeleed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka Dacawley ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Inkastoo xogta laga heli karo halka dagaalku ka socdo ay adag tahay sababo la xiriira isgaarsiinta oo go’an, haddana waxaa la soo sheegayaa in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac uu jiro.

Dagaalku waxaa uu bilowday subaxii hore ee Arbacada, waxaana wararku ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka iyo shacab hubeysan.

BBC-da ayaa la hadashay ilo kala duwan oo ku kala sugan Hargeysa iyo Jigjiga kuwaas oo nala wadaagay xogtaan.

[ad_2]

Related articles

Recent articles

spot_img