, 2025-07-18 20:13:16 ,
3 Saacadood ka horTan iyo dhamaadkii bisha June ee sanadkaan, Cali Mukhtaar waxa uu baadi goobayay walaalkiis Axmed Mukhtaar oo 25 jir ah, kaas oo lagu waayay badda Aljeeriya xilli uu u tahriibayay dalka Spain.Sida uu BBC da u sheegay Cali, 23 dhallinyaro ah oo uu ka mid ahaa walaalkiis ayaa doon ka raacay dalka Aljeeriya, oo ay waayahaan dambe tahriib ku tagayeen dad ay Soomaali ka mid tahay oo doonaya in ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub.Cali wuxuu intaa ku daray in xogta ay dhallinyaradaas ka heleen ay sheegeysay in doontii ay raaceen ay ku qalibantay gudaha badwaynta, kadibna ay ku daateen badda. Jaakadaha badbaadada iyo walxo kale oo ay markaas gacantoodu gaari gartay iyo dabaal ayay kaashadeen sida ay sheegeen, ilaa markii dambe ay ka soo gaartay doon ay wateen koox kalluumaysato ah. “Doontii ayaa nala qallibantay, saacado ayaan badwaynta ku jirnay. Labadaas nin ayaanan waynay ayay noo sheegeen,” ayuu yiri Cali oo soo xiganayay xog ay guruub WhatsApp kula wadaageen dhallinyaradii ay isla tahriibeen walaalkiis.Markii ay gaareen xeebta ee la badbaaday ayay garteen in laba kamid ah dadkii la socday aysan kamid ahayn dadkii la keenay xeebta ee gargaarka loo fidiyay, sida uu sheegay Cali.”Waxay noo sheegeen in cabaar dhan ay lahaayeen laba nin ayaa naga maqan. 23 qof ayay ahaayeen, 21 ayaa la soo badbaadiyay”, ayuu hadalkiisa raaciyay.Ninka kale ee la waysan yahay ayaa ah Maxamed Amiin Candinuur oo isna 25 jir ahaa.Amiin ayaa ku noolaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ka hor inta uusan tahriibin, halkaas oo uu ku dhameeyay dugsiga sare, sida uu noo sheegay walaalkiisa Anas Cabdinuur.Anas ayaa sheegay in kadib safar dheer oo uu ku maray dalalka Afrikaan ah oo kala duwan in uu gaaray dalka Aljeeriya.”Iyada oo niman lacag u haystaan ayuu ila soo hadlay mar,” ayuu yiri Anas oo sheegay in walalakiisa xilligaas ku sugnaa dalka Benin, isaga oo ku sii jeeday Aljeeriya. Dadka haystay ayuu ku sheegay in ay ahaayeen mukhalasiin ka rabay lacag.Markii uu gaaray Aljeeriya ayuu sheegay in ay muddo ku qalqaalinayeen in uu halkaas joogo oo uu ka raadsado sharci uu ku dagi karo dalkaas, nolona ka samaysto, balse soojeedintaas kuma uusan qancin Amiin, sida uu sheegay walaakiisa.Markii ugu dambaysay ee ay is maqleen ayuu sheegay in ay ahayd 21 kii June xilli subax ah subax ah.”Qofkii ugu dambeeyay ee qoyska ee la hadlay ayaan ahaa”, ayuu yiriAnas.Waxa uu sheegay in uu maalinkaas galabkeedii isku dayay in uu la hadlo hooyadiis oo ku sugan Boosaaso taleefankana uu ka wacay, laakiin uma aysan suura galin in uu helo maadmaada ay xilligaas taleefanka ka maqnayd.Mid ka mid ah dhallinyaradii ay wada tahriibeen Amiin oo la badbaadiyay, ayuu sheegay Anas in uu u xaqiijiyay in walaalkiis uusan wadanin jaakadda badbaada, markii ay doontu qallibmaysay. Horay ayuu u ogaa in walalkiis uusan aqoonin dabaasha.Dhanka kale, Axmed Ka hor inta uusan aadin tahriibka, waxa uu ahaa ardey dhigta heerka koobaad ee Jaamacadda, isaga oo ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Sanad ka hor ayaa sida uu noo sheegay walaalkiisa waxa uu ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho isaga gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu u sheegay walaalkiisa iyo waalidkiisba in uu shaqo ka bilaabayo.”Sanad camal ayuu joogay Nairobi, isaga oo markaas shaqo tukaamo iyo wax ka habaystay ayaa waxaa noogu xigtay in uu hadana uu na yiri waxaan joogaa waddan Afrika ah oo ka so keeya Aljeeriya.”Waxaan u maleynayaa in ay magafayaal iyo geeyeen qolyahaas wax tahriibisa”, ayuu hadalkiisa raaciyay Cali.Waxa uu sheegay in mudadii uu safarka halista ah ku iiray walaalkiis in uu ku baxay qarash ku dhaw $20,000 oo doolarka Maraykanka ah, maadaama sida uu sheegay marar kala duwan ay dadka magafayaasha ahi lacago ka qaateen.”Lacagtaasu lacag lahayay ma ahayne waxay ahayd mar dhul loo xaraasho, wax meelo laga raadsho, wax si silac ah lagu keenay ayay ahayd”, ayuu yir Cali.Hooyadiis oo da’ ah ayuu sheegay in ay tan bishii June markii la waayay ay ku jirto xaalad daran oo walaac xoog leh ay ku sugan tahay.Maxay u tahriibayaan dhallinyaradaan?Sida uu qabo Cali, dhawr arrimood oo ay ka mid tahay shaqo yari xooggan oo ka jirta Soomaaliya guud ahaan, mukhallasiin tashkiilasa da’ yarta iyo hammi ku jira dhallinyaro badan oo ah in nolol dhaanta tan dalkooda ay taalo Yurub ay tahay sababaha ugu muhiimsan ee keenay hirarkaan cusub ee tahriibka ah.Tan iyo bilowgii sanadkaan doomo badan oo siday tahriibayaal Soomaali ah ayay warisay warbaahintu in ay ka baxeen dalka Aljeeriya, iyaga oo uu ku sii jeeday Spain.Bishii June ee sanadkaan markii la soo wariyay geerida dhawr iyo laabatan dhallinyaro Soomaali ah oo dooni la qallibantay, ayay indhaha dadka iyo warbaahintuba ku bararugeen khatartaan cusub ee soo ifbaxday.Isla bishaas waxaa baraha bulshada ee Soomaalida qabsaday geerida gabar dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Amuun Xaaji, taas oo sida la sheegay dhamaysay mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho. Waxay ka mid ahayd koox dhallinyaro ah oo dooni kula qalibantay badda Aljeeriya.Qoysaskan ay ka maqan yihiin qaraabadooda ayaan wali ka samrin wiilashooda, waxayna niyadda ku hayaan in ay heli doonaan war ku saabsan halka ay ku dambeeyaan wiilashoodu. Anas waxa uu sheegay in isaga iyo waalidka Axmed ay si joogto ah iskula xariiraan, walina aysan ka samrin waalidiintu nolosha caruurtooda.”Maalin walba waan is la hadalnaa. Iney nool yohiin ayay aaminsan tahay. Waa qanci la dahay wali. Hooyadayna waxay aaminsan tahay…markii laba bari ay samirsanaataba waxay leedahay ma aanan helin wali maydkiisiiye sidee u samaraa.”
‘Waxaan ahaa qofkii u dambeeyay ee la hadlay walaalkeey intii aan la waayin’ – Tahriibka Soomaalida
Published on: