More

    Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Moqokori iyo dagaalka halkaa ka socda

    Published on:



    , 2025-07-07 18:47:35 ,

    Hiiraan Online7 Luulyo 2025Wararka laga helayo degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamaayaal ka tirsan al-shabaab ay gudaha u galeen magaaladaas ka dib qaraxyo waaweyn oo ay subaxnimadii ay ku weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka ee Macawisleyda, kuwaas oo dhowrkii sanno ee ugu dembeeyey dagaalo adag kula jiray al-shabaab.”Saaka ayey weerraro culus oo qaraxyo wata nagu soo qaadeen nimankii oo dhowr jiho markii damabena magaalada Maqokori ay ka soo galeen, ilaa hadda magaalada Moqokori agagaarkeeda ayaan joognaa iyaguna dhinac bay kaga jiraan”ayuu BBC-da u sheegay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Owbakar oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle.Wuxuu intaa raaciyey in qaraxyadii al-shabaab ay ku weerareen ciidamada deeeganka uu ku dhintay sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyasha deegaanka balse wuxuu beeniyey sheegashada kooxda ee ah inay tiro badan ka dileen ciidamada deegaanka.Xildhibaan Cabdiqaadir wuxuu sidoo kale sheegay in wali uu dagaal uu ka socdo Moqokori oo iyaguna dhinac ka joogaan, isagoo beeniyey muuqaallo iyo sawiro ay faafiyeen kooxda al-shabaab oo sheeganaya qabsashada Moqokori.Labo sano iyo bar ka hor ayaa laga saaray Al-shabaab magaalada iyadoo ay gacanta u gashay ciidamada deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowladda.Dagaalkaas oo ay bilaabeen ciidamada Macawisleyda oo uu hoggaaminayey guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa suurtagaliyey in al-shabaab laga saaro dhul ballaaran oo ka mida gobolka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.Waa markii saddexaad ee degmadan muhiimka ay la kala wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeegaanka oo isku dhinac ah, iyo ururka alshabaab taasoo muujisay muhiimada istaraatiijiyadeed ee ay leedahay.Maxay Moqokori u tahay magaalo istaraatiji ah?Magaalada Moqokori ayaa leh istaaraatijiyado kala duwan oo dhan dagaal iyo deegaanba leh, balse galidda Al-shabaab ay dhalisay walaacyo kala duwan.Degmada Moqokori ayaa ah meel isku xirta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud, taas oo ka dhigan mid muhiimadeeda dhanka isku socodka halbowle u ah gobolladaas.Sida uu BBC-da u sheegay Jeneral Maxamed Tahliil Biixi, taliyihii hore ee ciidamada dhulka Soomaaliya, magaalada ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaaba u leh muhiimad weyn.”Moqorkori waa meel istaraatiiji ah, waddooyin badan baa ku kulma waddo Maxaas aadda, wado Yasooman aadda, wado aadda Aadan Yabaal, waddo Xaawo gadiid iyo Budbud aadda, waddo dhanka hoose aadda sida Xalfooley, Ceelhareeri ilaa Jalalaqsi wadooyin badan bay kulmisaa, waa degmo qadiimi ah oo istaraatiijiyad leh”ayuu yiri Jeneral Biixi.Jeneral Biixi, wuxuu ka mid ahaa taliyaashii hoggaaminayey ciidamadii dowladda iyo kuwii deegaanka oo iskaashanayey kuwaasoo labo sano ka hor al-shabaab ka saaray magaalada Moqokori”iyaga iyo annagaba muhiimad gaara ayey noo leedahay Moqokori, al-shabaab istaarjiiyad bay ugu fadhidaa hadda, waxaa hadda isugu xirmaya dhul fara badan waxaa isugu xirmaya Webigii, Aboorrey, iyo Yasooman, hadday ku guulaystaan Moqokori ilaa Aadan Yabaal ayaa isugu xirmaysa ama dhinacaan hoose Ceeldheere, Buuraale, Xalfoolay iyo Tardo, isku socod iyo dhaqdhaaqba waa helayaan shababku laakiin waxay ku xiran tahay siday dowladdu miisaanka u saarto, Moqokori qabsashadeed iyo soo celinteeda oo gacanta dib logu soo celiyo Moqokori ” ayuu intaa raaciyey Jeneraal Biixi. XWuxuu intaa ku daray inay hadda Al-shabaab haddii ay sii haystaan ay u gudbi karaan dhanka Galgaduud.Isagoo ka jawaabayey su’aal uu waydiiyey Wariyaha BBC-da ee Muqdisho oo ahayd waxay ugu dhigan tahay dowladda dhinaceeda galitaanka al-shabaab degmada Moqokori?. Wuxuu Jeneraal biixi sheegay inay tani ka dhigan tahay “Waa dhabar jab weyn oo ah halgankii, waxay dhabar jab ku tahay la dagaalankii argagixisada arritaasi, inkastoo meelo kale oo waaweyn horey loo soo qabsaday, Moqokori waa ka duwan tahay meelahaas kale, waayo waxay saldhig u tahay asaasaakii iyo halgankii shabaab lagula dagaalamay ubucdeedii weeye” ayuu yiri jeneraalkaKa sokow muhiimadeed isku socodka ee ay leedahay Moqokori, Biixi wuxuu sheegay in al-shabaab muhiimada uga weyn taas ay tahay inay qab jabiyaan shacabka Hiiraan oo aha kuwii horseedka u ahaa dagaalkii dadka deegaanka oo is abaabulay ay la galeen kooxda oo dhul ballaarana ka saaaray.Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay al-shabaab ayaa weeraro ku hayey deegaano badan oo ka mida gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo ay u suura gashay inay qabsadaan deegaano ay ka mid tahay degmada Aadan Yabaal.Dadka kale oo ka faallooda ammaanka ayaa qaba in hadda al-shabaab ay iska qaadeen go’doomintii kala saarnayd dagaalamayaashooda ku kala sugan Galgaduud iyo gobolada kale muddo saddex sano ku dhow .Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin galitaanka al-shabaab ee degamada Moqokori.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here