More

    Waa kuma Janaraal Sheegow, ninka lagu muransanaa darajadiisa ee ku geeriyooday Muqdisho?

    Published on:



    , 2025-04-08 07:59:13 ,

    SOCIAL2 Saacadood ka horMagaalada Muqdisho waxaa shalay ku geeriyooday sarkaal ka tirsanaa ciidanka dawladda Soomaaliya oo la yiraahdo Sheegow Axmed Cali, laakiinse loo yaqaanno Jeneraal Sheegow.Sheegow ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer), sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu u geeriyooday Sheegow ay tahay xanuun uu muddo la noolaa.”Wuxuu qabay fayraska cagaarshowga, sidaas ayuuna u geeriyooday sida ay isbitaalka noo sheegeen, maaddaama uu muddo la noolaa kaas oo beerka saameeyay kansarna isku beddelay,””Dhowr jeer ayuu isbitaalka galay, hadda wuxuu ku jiray qeybta daryeelka gaarka ah ee ICU.” Ayuu intaa ku daray, isagoo tacsina u diray qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.Marxuumka ayaa dhawaanahay ku jiray isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo loo geeyey in laga daweeyo xanuun hayey.Maxkamad ciidan ayaa horraantii bishii Nofembar ee 2023 xabsi ciidan oo 10 sano ah ku xukuntay Sheegow, ayadoo qaar ka mid ah ciidan isaga ka amar qaatana lagu xumay dil iyo xabsi, ka dib markii ciidanka isaga ka amar qaata iyo ciidanka dawladda uu dagaal ku dhex maray magaalada Muqdisho Agoosto 2023, kadibna dagaalka lagu soo qabtay Sheegow.Geerida Sheegow ayaa hadal-heyn ka dhalisay baraha bulshada, iyadoo qoyska iyo beesha uu kasoo jeedo oo in muddo ahba xariggiisa ka cabanayay ay shaki ka muujiyeen waxa sababay geeridiisa, hase yeeshee wasiirka caafimaadka ayaa sheegay isbitaalka Digfeer ay soo saari doonaan warbixin rasmi ah oo ku saabsan geeridiisa.Siyaasiyiin badan ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay waxaana ka mid ah madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh AxmedQoraal uu Farmaajo soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ugu tacsiyeeyay qoyska Sheegow. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.” Ayuu qoraalka ku yiri.Dhanka kale, madxaweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isagana ka tacsiyeeyay geerida Sheegow, isagoo qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay ku yiri, “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Janaraal Sheegoow Axmed Cali oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga Soomaaliyeed, islamarkaana muddooyinkii dambe ahaa maxbuus dowladda u xiran.Jeneraalka wuxuu kaalin mug leh ka soo qaatay howlgallo argagixisada looga saaray dhul badan oo ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.”Waa kuma Sheegow? GoogleQoraalka sawirka, Sadiiq Doodishe (B) iyo Sheegow (M)Janaraal Sheegow ayaa markii ay soo xirtay dowladda federaalka dabayaaqadii 2023, waxaa soo baxay muran ku aaddan darajadiisan ciidan.Si aan wax badan uga ogaanno xaqiiqada darajada Sheegow iyo kamid ahaanshaha dowladda ee lagu tuhmayay ayaa waxaa xilligaasi BBC-da uga warramay afhayeenkii hore ee booliska Soomaaliya ee xilligaas, Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe iyo Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda isla markaana ka faallooda arrimaha ciidamada.Doodishe oo aan ka weydiinnay in uu iftiimo darajada Janaraalka ee Sheegow ayaa yiri “Sheegow waxa uu horraan ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa uuna haystay darajada Kabtanka [Captain], ma ahayn Janaraal balse waxa uu xiran jiray dareyska Janaraalnimo”.Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay baaritaan ku sameysay ninkan, waxana la ogaaday in uu markaasi dowladda ugu diiwaan gashanaa darajada kabtan-nimo, iyadoo ugu dambeyn guud ahaanba ciidamada dowladda laga saaray”.Sheegow ayaa heystay ciidamo dhowr ah oo aan kamid ahayn ciidamada dowladda balse isaga ka amar qaata, iyadoo ciidamadiisa ay xilligaas dhaliyeen dagaalkan sida la sheegay kaddib markii ay dhac u geysteen shacabka degmada taasina ay keentay in ciidamada amniga ee muqdisho ay soo daba galaan dagaalkana halkaasi uu ka qarxo.Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda ayaa sharraxaya halka uu markiisi hore Sheegow kagasoo biiray ciidamada dowladda, isagoo yiri “Sheegow waxa uu kasoo baxday kooxda Al-shabaab sanadkii 2014-kii isagoo xilligaasi ku sugnaa Shabeellaha hoose dhinaca Janaale iyo Bariirre, halkaas oo u qaabilsanaa kooxdaasi aruurinta lacagaha, waxaa la sheegaa in ay isku dheceen isaga iyo hoggaamiyaashii Shabaab ee halkaasi, taasi oo keentay in uu kasoo baxsado isla markaana iskusoo dhiibo dowladda”.Korneyl Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sheegow waxa uu sidaasi uga mid noqday ciidamada millitariga isaga oo la siiyay darajada Kabtanka, mana jiro ogaanteyda ciidan uu xukumo oo uu taliye u yahay” ayuu yiri Korneyl Macow.Korneyl Macow ayaa sidoo kale xusay darajada Sheegow isagoo yiri “Sheegow ma ahan Janaraal ka diiwan gashay dowladda ee isaga ayaa xirtay waana sababta ay dadku ugu wareersanyihiin darajiisa oo muran badan dhalisay”. Getty ImagesBishii September, sanadkii 2017 wuxuu Sheegow Axmed Cali, maamulayay saldhigga deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay xilligaasi weerareen kooxda al-Shabaab.Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa 18 ka mid ah al-Shabaab, sida uu markaasi u sheegay BBC-da.Xogaha qaar ee aan helnay waxa ay sidoo kale sheegayaan inuu kamid ahaa kooxdii Badbaado Qaran ee diiddaneyd hoggaaminta madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.Afhayeenkii hore ee booliiska, Saddiiq Aadan Cali Doodishe ayaa isna waxa uu sheegay in sarkaalkaan oo aan katirsanayn ciidamada dowladda uu sidoo kale madax u ahaa maleyshiyaad dhac ka geysaneysay degmada Dharkaynley.Wuxuu sheegay markii ciidamadu isku dayeen inay u yimaadaan uu dagaal kala horyimid, taasoo uu sheegay inay tahay sababtay howlgal qaatay saacado badan oo lagusoo qabtay isaga iyo 25 kamid ah ciidamadiisa.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here