More

    Talaado, Jan 21, 2025-NISA oo ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka uga digtay inay u dhego-nuglaadaan amarada Alshabaab

    Published on:


    NISA oo ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka uga digtay inay u dhego-nuglaadaan amarada Alshabaab

     
    Talaado, January 21, 2025 (HOL) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego-nuglaadaan amarada kasoo baxa kooxda Alshabaab oo ay kamid yihiin bixinta waxay ugu yeertay lacagaha badda ah.Tallaabadan ayaa qeyb ka ah amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 4-tii Diseembar 2024, kaasoo ku saabsanaa joojinta maalgelinta argagixisada.

    NISA waxay shaaca ka qaaday in si dhow loola soconayo dhaqdhaqaaqyada la xiriira la macaamilka Alshabaab, waxayna sheegtay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

    Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ayaa muwaadiniinta ku  boorisay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka wxyeellada leh ee kooxda Alshabaab.













    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here