Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Jubbaland oo weeraray saldhigyo Al shabaab ku lahaayeen Badhaadhe
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in degaanka Lagta Caanoole ay isku aruursanayeen xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab, ayna howlgalka ku dileen Tobaneeyo katirsan Kooxdaas oo kamid ahaa kuwii ku sugnaa degaankaas.
Sidoo kale intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamadu waxaa ay burburiyeen Saldhigyadii Al-Shabaab ee degaanka Lagta Caanoole ee Dagmada Badhaadhe kadib markii ay isaga tageen.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab si Guud ahaan looga xorreeyo degaannada ay kaga sugan yihiin degaanada Jubbaland.