Booliska Soomaaliya oo Qaraxyo Xalay laga maqlay Muqdisho ku tilmaamay miinooyin dheemish ah
War saxaafadeedka Booliska ayaa lagu yiri “Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam.”
Booliska ayaa waxa ay tilmaameen in Miinooyinkaas ay xaqiijiyeen inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan geeysan wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas.
Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.