, 2025-07-15 13:48:57 ,
Getty Images9 Saacadood ka horDowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay heerka kororka cudurka cagaarshowga ee dalka kaas oo ay ku tilmaamtay inuu marayo “heerlaga naxo” sida uu warbaahinta dowladda ka sheegay wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aden.”Xogaha laga helayo Cagaarshoowga waa kuwo aad u naxdin leh oo aad u naxdin leh, waxaa muhim ah in baaritaanka mudnaanta la siiyo, haddii Iskool la joogo ardayda la baaro xarumaha caafimaadka, dadka guryaha ka shaqaynaya waa in la marsiiyo baaritaanka ,” ayuu yiri wasiir Cali.Wuxuu intaa ku daray inay muhim tahay midaynta xogaha dalka oo dhan, uuna qorshaheedu socdo hannaan dhigital oo hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay ku soo gudbiyaan xogta si ay u fududaato in cilmi baaris la sameeyo xogtana lala socdo.”Waxaan ballaan qaadaynaa dadaalladaa lagu ciribtirayo, lana iska kaashado” ayuu intaas raaciyey.Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, wuxuu intaa ku daray in cudurka cagaarshowga uu ka halis badan xagga faafitaanka marka la yiraaahdo xanuunka HIV AIDS-ka loona baahan yahay dadaal la sameeyo.Dunida ayaa higsanaysa in mar la gaaro sanadka 2030 la dabar gooyo xanuunka Cagaarshowga.Muxuu yahay cudurka Cagaarshowga?Cagaarshow, waa magac bixin ay Soomaalidu u taqaan astaan ka mid ah calaamada uu leeyahay Fayras ku dhaca Beerka oo loo yaqaan Hebatitis oo jaadad kala duwan leh sidaas oo kalana deegaanada Soomaalida qaar waxaa loogu yeera Joonis.Astaan ka mida calaamadaha xanuunka ayaa loo bixiyey magacyadaasi.Dr Maxamed Xaamud, oo dalka UK, ka wada takhasus ku saabsan cudurada guud oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa BBC-da u sheegay in xanuunkan yahay mid halis leh marka la eego faafintiisa.Kororka xanuunka ee gudaha SoomaaliyaSida uu BBC-da u sheegay Dr Maxamed Xaamud, cilmi baarisyada laga sameeyey Soomaalida ku nool Geeska Afrika ayaa muujinaya in boqolkiiba labatan ay la nool yihiin xanuunka Cagaarshowga.Dr Xaamud, wuxuu xusay in marka la eego xaaladda cudurka ay taasi tahay in laga werwero oo wax laga qabto.Sababaha ugu waaweyn ee faafitaanka iyo kororka xanuunkan ee Soomaalida ayuu Dr Maxamed sheegay in tahay heerka daryeelka caafimaadka oo hoose iyo tallaalka oo iyaguna hooseeya.Wuxuu intaa raaciyey in xanuunkan uu biyo dhigay Soomaalida taasina ay sahlayso inuu xoog ku faafo.Siyaabaha lagu kala qaado Cagaarshowga Getty ImagesXanuunkan asal ahaan waxa keena dhowr fayras oo kala duwan oo loo kala bixiyey Hepatitis, A,B,C, D, E, labada ugu darrana waa B iyo C ee dhibaatada ku keena beerka.Dr. Maxamed Xaamud, wuxuu BBC-da u sheegay siyaabaha la isugu gudbiyo xanuunka Cagaarshowga ama jooniska ay ka mid yihiinIrbad qof xanuunka qaba muday oo qofkalana mudayHooyada uurka leh oo ilmaheeda u gudbisa.Hababkaas ayaa ka mida kuwa ugu mudan ee la isugu gudbiyo walow sidoo kale ay jiraan habab kale oo la isugu gudbiyo sida daraasaadyada caafimaadku ay tilmaamayaan.Sidee looga hortagi karaa CagaarshowgaSida uu BBC-da u sheegay Dr. Maxamed Xaamud, nasiib wanaaga ayaa ah in xanuunka Cagaarshowga uu leeyahay ka hortag oo ah tallaal loona baahan yahay in la kordhiyo fahanka bulshada ee xanuunka.Waxaa intaa raaciyey in carruurta yaryrar la geeyo tallaalka, marka dadka is guursanayan ay iska baaraan si loo muujiyo feejignaan.Cudurka Cagaarshowga waa mid ka mida xanuunada adduunka faraha baas ku haya gaar ahaan wadamada soo koraya ee heerkooda caafimaadku hooseeyo.Sida ay muujiyeen daraasaadyadda caafimaadka Cagaarshowga ama Jooniska ayaa saameeya boqolaal milyan oo qof adduunka oo dhan iyadoo uu sababo dhimasho lagu qiyaaso ilaa 1.3 milyan oo ruux sanadkasta.Daraasadaha qaar ayaa muujiya in soddonkii daqiiqo ee kasta adduunka qof uu ugu qurbaxo xanuunka Cagaarshowga.Dadaalada caalamiga ee ay hor boodaysa hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa muujinaya sida ballaaran ee loogu baahan yahay in lagula dagaalamyo xanuunkan.