More

    Soomaaliya: ‘Booqashadii wafdiga Imaaraatka xiriir lama lahayn mid kale’

    Published on:



    , 2025-08-28 19:36:37 ,

    Radiomuqdisho27 Daqiiqadood ka horKa dib booqashooyin isku xigay oo ay wufuud ka kala socotay dalalka Suudaan iyo Imaaradku ay ku tageen magaalaada Muqdisho halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxa ay baraha bulshada qaarkood lagu daabacay warar kala duwan oo la xiriira booqashooyinkaas kuwaa oo sheegay in ay ku saleeynayaan khilaafka ka dhaxeeyo Suudaan iyo Imaaraadka ee ku aadan dagaalka Sokeeye ee ka soconaya dalka Suudaan.Haddaba dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in socdaalka wafdiga Imaaraadka uusan xiriir la lahayn socdaalka kale wafdiga kale.Wakaallada wararka SONNA oo ah mi dku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa wararka lagu baahiyay baraha bulshada ku tilmaantay kuwa been abuur ah.Warka ay baahisay SONNA ayaa lagu yiri: “Saacadihii u dambeeyay waxa baraha bulshada lagu faafiyay warar been abuur ah, kuwaasoo si qaldan socdaalkan ula xiriirinaya imaatinka wafdi kale oo caalami ah”. Dowladda ayaa ku adkaysaneysa in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya labada booqasho ee wufuudda ka kala socotay Suudaan iyo Imaaraadka.Dowladdu waxa ay sheegtay in safarka wafdiga Imaaraadka Carabta “la qorsheeyay toddobaadyo ka hor”, uu ku saabsanaa oo kaliya xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.Arinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan wafdi ka socday dalka Isku Taga Imaaraadka Carabta oo uu hogaaminayay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan ay booqasho ku tageen magaalada Muqdisho kaas oo kulan la yeesahy Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, booqashadaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.”Booqashadan diblumaasiyadeed ayaa ah tii ugu dambeysay ee xiriiro dhowr ah oo muujineysa ballaarinta iskaashiga Soomaaliyaay la leedahay saaxibadeeda iyo sida ay uga go’an tahay in xiriir adag oo hufan lala yeesho xulafada muhiimka ah”, ayaa lagu sheegya jawaabta dowladda ee lagu baahiyay Wakaaladda SONNA. RadiomuqdishoBooqashada Wafdiga Imaaraadka waxa ka horreeyay wafdi ka socday dalka Suudaan oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee ay’adda Sirdoonka Qaranka Suudaan, G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, oo booqasho ku yimid magaaalada Muqdisho, kuwaas iyaguna la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Sida ay baahisay dowladda Soomaaliya, Korneyl Mufaddal ayaa maxaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyey dhambaal uu ka siday guddoomiyaha Golaha kumeel gaarka ah ee dalka Suudaan, Cabdifitaax Al-Burhan, kaas oo aan la faahfaahin balse lagu sheegay dib u xaqiijinta sida ay Sudan uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.Sababaha keenay in dad badani su’aal iska waydiiyaan iskuna sidkaan labada safar ee isku xigay, ayaa ah in Suudaan ay horey ugu eedeesay Imaaraadka Carabta in ay taageeraan kooxda RSF ee kasoo hor jeeda dowladd Suudaan.Suudaan ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Imaaraadka Carabta, kadib markii ay marar badan ku eedeysay dowladda Khaliijka inay taageerto kooxda ay is hayaan ee RSF.Imaaraatka Carabta ayaa marar badan beeniyey eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay taageero dhaqaale, mid ciidan iyo mid siyaasadeed siiyaan ciidamada falaagada ah ee RSF.Suudaan ay dacwad ka dhan ah Imaaraadka horey ugu gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague hasa yeeseh Hague ayaa go’aamisay in kiiskan uusan sii socon karin, sababtoo ah Imaaraadku waxay ka baxeen qodobka 9-aad ee heshiiska xasuuqa, taas oo macnaheedu yahay in aan lagu dacweyn karin dowlado kale sababo la xiriira xasuuq. Kiiska ayaa lagu tuuray 14-2 cod.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here