More

    Sida ay iskuullada Soomaaliya dareenka u barayaan jiil uu dagaal ragaadiyay

    Published on:



    , 2025-08-06 13:46:49 ,

    Getty ImagesArticle InformationAuthor, By Majid MohamedRole, Saacad ka horBartamaha Soomaaliya, ardayda dugsiga hoose waxay fadhiyaan dhulka iyagoo ku hareeraysan macallinkooda oo u akhrinaya sheeko.Waa muuqaal caadi ah oo lagu arki karo fasallo badan oo dalka ka mid ah. Laakiin halkan Machadka Daryeel ee Dhuusomareeb, oo 500-KM waqooyi kaga beegan Muqdisho, wax cusub ayaa ka socda. Ardayda waxaa lagu barayaa arrimo bulsho iyo xifrado dareen.Carruurta lix iyo toddoba jirka ah waxaa loo muujinayaa buug ay ku jiraan jilayaal muujinaya dareenno kala duwan.Sawir ka mid ah ayaa muujinaya ilmo kaligiis goonni uga fadhiya koox weyn oo kale, waxaana ardayda la weydiinayaa: “Maxaad u malaynaysaan inuu ilmuhu dareemayo?” Think EqualQoraalka sawirka, Qaar ka mid ah buugaagta carruurtu ku shaqeeyaan”Ardaydu runtii aad bay u jecel yihiin maadadan, waxayna u muujinayaan xiise gaar ah, gaar ahaan marka la barbar dhigo maadooyinka kale,” ayay tiri macallin Nusro Maxamed Hersi.Barida bulshada iyo dareenka waxay adeegsataa qalab waxbarasho sida buugaagta noocan ah si ay uga caawiso ardayda inay fahmaan dareenka ay la kulmayaan. Ka dibna waxaa lagu barayaa xirfado ay ku maareyn karaan dareenkan, si ay u gaaraan go’aanno togan oo mas’uuliyad leh.Casharrada ka socda Daryeel Academy waa markii ugu horreysay ee maadadan si rasmi ah loogu dhigayo iskuulada Soomaaliya.Kadib markii macallimiintu bilaabeen inay arkaan carruurta oo la daalaa dhacaya dhibaatooyin la xiriira akhlaaqda iyo dhaqanka, maamul goboleedka Galmudug ayaa iskaashi la sameysay hay’adda waxbarashada ee UK fadhigeedu yahay, ThinkEqual, si barnaamijkan loo hirgeliyo.Hay’addan, oo bixisa buugaag lagu barto dareenka oo ku qoran af Soomaali iyo tababarada macallimiinta, waxay sheegtay in hadafkoodu yahay in ay “baabi’iyaan takoorka, ixtiraam la’aanta, iyo rabshadaha jiilka soo socda,” isla markaana ay keenaan “naxariis, daryeel, xiriirro jacayl leh, iyo dabeecado bulshada wax u tara.”Taariikh dheer oo colaado ahQoraalka sawirka, Xubnaha al-shabaabDaraasad uu sameeyay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Oslo ayaa muujisay in guud ahaan caalamka, ku dhowaad hal carruur ah lixdii carruurba uu ku nool yahay aag ay colaadi ka jirto.Daraasadda sanadkii 2024 ayaa qiyaastay in ku dhawaad 473 milyan oo carruur ah lagu soo korinayo waddan ama gobol ay ka socoto dagaal, taasoo ah tiradii ugu badneyd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.”Sanadkii 1990, qiyaastii 250 milyan oo carruur ah ayaa ku noolaa goobaha colaadaha, markaas wixii ka dambeeyayna tiradaas si tartiib tartiib ah ayay kor ugu kacday. Hadda, waxay ku dhawdahay in tiradaas labanlaab noqotay, laga bilaabo 250 milyan ilaa ku dhowaad 500 milyan,” ayay tiri Siri Aas Rustad, Agaasimaha Cilmi-baarista ee Machadka Nabadda.Rustad waxay sheegtay in Afrika ay ka jiraan colaado badan marka loo eego qaaradaha kale, taasoo ay Soomaaliya ka mid tahay.Tan iyo markii uu burburay dowladdii dhexe sanadkii 1991, dalka Soomaaliya wuxuu la daalaa dhacayay tobanaan sano oo dagaal sokeeye iyo colaad beeleedyo ah.Hadda, dowladda jilicsan ee aan si buuxda u xukumin wax ka badan caasimadda Muqdisho ayaa dagaal kula jirta kooxda argagixisada Islaamiga ah ee Al-Shabaab, si ay ula wareegto gacan-ku-haynta dalka.Al-Shabaab, oo macnaheedu yahay “dhallinyaro” af-Carabi ahaan, ayaa qorota dhallinyaro niyad-jabsan oo aan noloshooda wax kale ka baran marka laga reebo colaadda.Dagaalyahanadooda intooda badan weligood iskuul ma aysan tagin, mana haystaan rajo shaqo. Ururka argagixisada ah wuxuu carruurtaas siyaa kaalmo, nidaam iyo dareen ay ku sheegtaan in ay meel ka joogaan, iyagoo ah carruur ku soo koray aragtida dhimashada, barakaca, iyo niyad-jabka.Sida ay sheegayaan khubarada horumarinta, oo ay ka mid yihiin think tank Poverty Action, carruurta si hore ugu baraarugta dhaawacyada noocaas ah waxay wajihi karaan cawaaqib muddo dheer ah haddii aan wax laga qaban.Carruurtu waxay muujin karaan calaamado ay ka mid yihiin welwel badan, xanaaq, iyo kalagoyn bulsho oo laga dareemo xilli hore oo cimrigooda ah.Saameyn toganYarraanta xarumaha daryeelka caafimaadka dhimirka ee dalal badan oo Afrika ah, oo ay ku jirto Soomaaliya, carruurtu inta badan waxay ku barbaaraan iyaga oo aan haysan xirfado lagama maarmaan u ah fahamka ama xakamaynta dareenkooda.Dr. Robin Stern, oo ka mid ah aasaasayaashii Xarunta Yale ee dareenka garaadka, waxay sheegtay in mid ka mid ah hababka carruurtu ku baran karaan xirfadahan ay tahay iyada oo loo marayo barashada bulsho iyo dareen.Waxay intaas ku dartay in daraasado la sameeyay ay muujinayaan in la keenista barashada noocaan ah ee iskuulada ay ka caawiso carruurta in ay si wanaagsan ula tacaalaan khilaafaadka.Barnaamijka barashada bulsho iyo dareenka ayaa lagu soo bandhigay dalka Kolombiya sanadkii 2020, kadib markii uu dhamaaday dagaal sokeeye oo socday muddo tobanaan sano ah.Cilmi-baaris lagu sameeyay natiijooyinkii barnaamijkaas ayaa muujisay in carruurtii ka qayb qaadatay ay muujiyeen horumar weyn oo ku yimid fahamka naftooda iyo dabeecadahooda wanaagsan ee bulsho.Macallimad Nusro Maxamed Hersi waxay sheegtay inay aragtay isbeddel wanaagsan oo ardaydeeda ku yimid kadib markii ay bilowday baridda xirfadaha la xiriira dareenka.”Waxaan aragnay arday lahaa dhibaato xagga xakamaynta xanaaqa iyo ficilada kadiska ah, laakiin uu noqday mid deggan markii uu barnaamijka bilaabay,” ayay tiri.”Wuxuu horey uga go’i jiray ardayda kale, laakiin hadda wuu dhexgalaa fasalka, wuuna bulsho badan yahay, sidoo kalena wuu ku faraxsan yahay.”Waxay sheegtay in barnaamijku yahay mid aad u wax ku ool ah, iyadoo xustay in ay jeclaan lahayd in casharradan ay heli lahayd intii ay iyadu iskuul joogtay.”Barashadan waxay noo timid goor danbe, balse hadda waxay noqotay mudnaan. Maxaa yeelay, ardaydu waxay baranayaan sida ay u xakameeyaan dareenkooda iyo sida ay ugu naxariistaan dadka kale. Haddii ay sifooyinkaas bartaan, waxay noqonayaan dad dhameystiran oo door ka ciyaara horumarka bulshada guud,” ayay tiri.Maxamed Dhoore, Wasiirka Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii barashada bulsho iyo dareen loogu soo dari lahaa fasallada.”Macallimiintu waxay arkeen in arday badan ay la daalaa dhacayaan walaac iyo dhibaatooyin xagga dabeecadda ah, taasoo saameyneysay waxbarashadooda,” ayuu yiri.Wasiirku wuxuu sheegay in hirgelinta nidaamka cusub markii hore lagu arkay caqabado.”Barnaamijkani wuxuu ku cusub yahay Soomaaliya, waxaana la kulanay caqabado inta aan tababaraynay macallimiinta. Sidoo kale, waxaan la kulannay caqabado dhanka dhaqanka ah,” ayuu yiri.Caqabadahaas waxaa ka mid ahaa waalidiin qaarkood oo diidanaa fasalladan, iyagoo u arkayay wax shisheeye ku ah dhaqanka Soomaaliyeed. Mohamed DoreQoraalka sawirka, Maxamed Dhoorre, Wasiirka waxbarashada ee maamul-goboleedka GalmudugSi kastaba ha ahaatee, Dhoorre wuxuu sheegay in markii waaliddiintu taageereen barnaamijka, fasalladu noqdeen kuwo guul leh.Hadda wasiirku wuxuu sheegayaa inuu doonayo in barashada bulsho iyo dareen laga hirgeliyo guud ahaan Soomaaliya.”Barnaamijkani wuxuu wax ka qabtaa baahiyaha aasaasiga ah ee bini’aadamka, waana in loo adeegsadaa istaraatiijiyad qaran si loo kobciyo maskaxda carruurta loogana dhigo dad mas’uul ah mustaqbalka,” ayuu yiri.Qolka waxbarasho ee yar ee ku yaalla Dhuusamareeb, ardaydu waxay noqdeen safiirro firfircoon oo u ololeeya mashruuca.”Waxaan ku raaxaystaa sheekooyinka buugaagta ku qoran,” ayuu yiri ilmo toddoba jir ah, kaas oo markii uu arkay dabeecadaha buugga ku jira aad u xiiseeyay inuu ka qaybqaato dood uu macallinku hormuud u yahay oo ku saabsan dareenkiisa.”Waxay i barayaan dareenno kala duwan, hadda waxaan si furan ula hadli karaa waaliddiintayda.”

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here