, 2025-08-27 17:19:29 ,
Getty Images3 Saacadood ka horDaraasad cusub oo caafimaad ayaa sheegeysa in haweenka Soomaaliyeed ee xilliga foosha la qalo kuwaas oo dhabarka looga duro cirbada suuxdinta ay wajahaan khataro keenaya in cadaadiska dhiigooda uu hoos u dhaco.Cilmibaarista oo lagu daabacay wargeysa BMC ee uurka iyo dhalmada ayaa diirada lagu saaray hooyooyinka ku dhala isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho kaas oo hore loogu yaqaanay Digfeer.Haween gaaraya 320 oo lagu sameeyay qaliin ilmaha looga soo saaray xiliga dhalmada intii u dhexeysya bishii May ilaa iyo bishii July sanadkii hore ee 2024-kii ayaa lagu ogaaday in 79 boqolkiiba ay qaadeen xaalad u dhiigooda hoos u dhacayo intii qaliinka lagu jiray. Dhammaan haweenka waxaa laga suuxiyay laf-dhabarka. Arrintan ayaa keentay astaamo ay ka mid yihiin wareer, lallabo iyo suuxdin, waxaana mararka qaar dhacday in ay khatar galaan hooyada iyo ilmaha uurka ku jira.Suuxdinta laf-dhabarka cirbiada lagu duro waa tan ugu badan ee lagu sameeyo haweenka ku dhalaya Soomaaliya. Waxaa loo arkaa in ay tahay badqab, kana jaban tahay kuwa kale oo badan inkastoo iyadana khatarteedu leedahay.Heerka ay gaarsiisan tahay arrintan ee ah 78 boqolkiiba waa mid ka sareysay heerarka laga soo sheegay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Pakistan iyo Colombia. Tani waxay muujineysaa in nidaamka caafimaadka Soomaaliya uu haysto cadaadis weyn oo ah in haweenka umulaya ay wajahayaan khataro waa weyn.Khubaradu waxay sheegayaan in daraasadan ay xoojineyso baahida degdegga ah ee loo qabo in la maalgeliyo daryeelka dhalmada. In sidoo kale sare loo qaado nidaamka iyo daawooyinka si loo xaqiijiyo in hooyooyink si fiican loo baaro ka hor inta aan lagu sameyn qaliinka dhalmada.Daraasada waxay shaaca ka qaaday caqabadaha ay wajahayaan hooyooyinka Soomaaliyeed, waxayna hoosta laga xariiqay in baahi weyn loo qabo nidaam caafimaad oo ilaaliya hooyada iyo ilmaha dhalanaya. Getty ImagesHay’ada WHO waxay sheegtay qaliinka ilmaha lagu soo saaro in uu yahay kan ugu badan ee caloosha lagu sameeyo adduunka. Haweenka dunida ee qaliinka ku dhala waxay kordheen 21 boqolkiiba 2018-kii, waxaana la fialyaa in 30 boqolkiiba ay kordhaan marka la gaaro 2030-ka. Boqolkiiba 88 waxay qaliimadaas ka dhacayaan dalalka dhaqaalahooda uu meel dhexaadka yahay iyo kuwa uu hooseeyo sida ay sheegtay hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO.Dr. Cabdullaahi Siciid Xaashi waxa uu ka tirsan isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho, waxa uuna BBC-da u sheegay in qaliinkan lagu sameeyo laf-dhabarka marka haweenku dhalayaan uu yahay mid badqabkiisu ka fiican marka la wada suuxiyo balse waxaa dhici kara dhibaatooyin badan.”Marka dhabarka laga suuxiyo oo hooyada qaliinka lagu sameynayo waxaa imaan karo in cadaadiska uu hoos u dhaco, waaana uu keeni karaa waxyaabo badan oo qaar ay la xiriiraan habka la marayo, qaarna ay la xiriiraan hooyada uurka leh”Dr. Cabdullaahi wuxuu kaloo sheegay in ay tahay wax dhici kara in hooyada uu dhiigeedu isbeddelo inta ay ku jirto qaliinka.”Badanaa waa wax la filayo inta hooyada qaliinka ku jirto in uu cadaadiska dhiiga uu kordho” ayuu Dr. Cabdullahi oo intaas ku daray in laga hortagi karo dhibaatooyinka yimaada xiliga qaliinka, “ka hortag ayaa la sameyn karaa, in hooyada dhanka bidix loo leexiyo marka qaliinka loo diyaarinayo, waxaa kaloo la sameyn karaa inta hooyada aan la qalin in biyo badan la siiyo”.Dhakhtar Cabdullaahi wuxuu ku taliyay in marka qaliinka la sameynayo ay muhiim tahay in uu goob joog ahaado qof takhasus u leh si marka hooyada dhiigeeda uu karo wax looga qabto.Sidoo kale dhaqaatiirtu waxay sheegeen in dhiirgarka si joogta ah loo lala socon karo hadii aan joogto loola soconna ay imaan karaan cudurro badan oo khatar ah. Wuxuu horseedi karaa cudurro sida kuwa wadnaha ama xitaa dhimasho.Dhanka kale, waxaa la sheegaa in dhiigkarka uu yahay dilaaga aamusan. Cilmi baaris ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan iyo lix dadka Afrikaanka ah ay qabaan dhiigkar heerkiisu aad u sareeyo, arrintaas oo keenaysa in qaaraddu ay kaalinta koobaad ka gasho caalamka oo dhan.Cilmi baaristu waxay sheegtay in habka aan caafimaadka waafaqsanayn ee loo nool yahay ay ka dhigan tahay in dadka Afrikaanka ah ee u dhimanaya xanuunnada halista ah ay ka badnaan doonaan kuwa u dhimanaya xanuunada lakala qaado marka la gaaro sanadka 2030-ka.