, 2025-08-09 12:25:37 ,
AMISOM2 Saacadood ka horWasaarada difaaca Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay iyaga iyo ciidamada Uganda ee qaybta ka ah nabad ilaalinta midowga Afrika ee AUSSOM oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose, ka dib todobaad uu dagaal ka socday.Dowladda ayaa sheegtay intii ay ku guda jireen howlgalka lagu dilay ilaa 100 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.”Howlgalka wadajirka ah ayaa socday muddo dhowr maalmood ah, waxaana lagu qaaday weerar dhabagal ah oo ka dhan ah al-Shabaab iyo kooxaha taabacsan.” Ayaa lagu yiri war uu soo saaray howlgalka AUSSOM.Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM Safiir El Hadji Ibrahima Diene ayaa bogaadiyay dadaalka ay ku bixinayaan AUSSOM iyo ciidamada dowladda federaalka ee ku aaddan xasilinta Soomaaliya.Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Shabeelllaha Hoose, tirada Shabaab looga dilay Bariirre iyo kuwa nolosha lagu qabtay. FACEBOOKQoraalka sawirka, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin FiqiWasiirka ayaa sheegay in ku dhawaad 120 lagu dilay magaalada Bariirre, iyadoo sidoo kale la qabtay hub iyo saanad ciidan, sida uu sheegay.Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in Bariirre ay tahay magaalo istaraatiiji ah, isla markaana xoreynteeda ay dowladda u tahay isgoys muhiim ah.Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay sanadkii lasoo dhaafay ku wareejiyeen ciidamada dawladda Soomaaliya saldhiggii hawlgalku ku lahaa deegaanka Bariirre. ee gobolka Shabeelaha Hoose.Saldhiggaan ayaa waxaa degganaa Ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee UPD.Hase yeeshee, horraantii sanadkan ayay kooxda al-Shabaab si xawli ah u kordhisay weerarradeeda, iyaga oo diiradda saaray gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Muqdisho iyo gobolka dhaca bartmaha ee Hiiraan.Al-Shabaab ayaa qabsatay ku dhowaad labaatan tuulo iyo magaalooyin ka tirsan saddexda gobol, iyagoo dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanno badan oo ay ka lumiyeen ciidamada dowladda oo ay Bariirre ka mid tahay. ATMIS Muxuu yahay saldhigga Bariire?Saldhigaan waxa uu ku yaallaa magaalada Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gacanta ku hayay ciidamo ka socda dalka Uganda oo ka mid ah hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.Sanadkii 2019 kii ay la wareegeen saldhigaas, iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay mis istiraatiiji ah oo laga ilaaliyo amniga caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, waxa uuna u jiraa magaalada qiyaastii 60 km oo uu uga beegan yahay dhanka galbeedka.Magaaladaan waxaa horay uga xoreeyay ururka al-Shabaab ciidamada dawladda Soomaaliya iyo ciidamo la socday oo ka tirsanaa hawlgalkii AMISOM la oran jiray. Waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay marin muhiim ah oo ay Shabaabku ugu soo talaabi jireen dhinaca caasimadda.Sanadihii ugu dambeeyay ee ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika halkaas, waxaa laga soo tabiyay warar badan oo dhiilo lahaa. Intooda badanna ay ahaayeen weeraro halis ahaa oo ay ku qaadeen al-Shabaab.Bishii Sepemper ee sanadkii 2019 kii, ururka al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay halkaas ku lahaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya xilli aroor hore ah. Weerarkaas ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay albaabka xerada, kadibna waxaa gudaha u galay dagaalamayaal ka tirsan al Shabaab.Weerarkaas oo saacado socday ayay ciidamada dawladda Soomaaliya sheegeen in ay iska difaaceen weerarka Shabaab, oo ay ka dileen ilaa 18 ka tirsan ciidankii Shabaab ee goobta gudaha u soo galay, guushunu sidaas dhankooda u jirto.Balse Shabaab iyana waxay sheegteen guul iyo in ay ciidamo gaaraya 90 askari ay halkaas ku dileen. ATMISLaakiin, isla sanadkaas, waxaa deegaanka isaga guuray ciidamada dawladda Soomaaliya, waxaana bishii Oktoobar 14 keedii la wareegay ururka al-Shabaab.Ma caddeyn sababta ay xilligaas ay saldhiggaas muhiimka ah u baneeyeen ciidamada dawladda Soomaaliya, dawladduna wax war ah kama soo saarin.Balse isla todobaadkii ay ka baxeen ciidamadu halkaas, ayaa la xasuustaa in booqasho uu saldhigga ku tagay taliyihii militariga Soomaaliya ee xilligaas Janaraal Axmed Jimcaale oo ku magac-dheer Cirfiid.Isla sanadkaas ayaa waxaa Bariirre ka dhacay dhacdooyin amni oo halis ahaa, kuwaas oo ay ku dhibaatoobeen shacab badan.Bishii Agust ee 2017 kii, ayaa waxaa la soo tabiyay in ugu yaraan afar qof oo shacab ah ay ku dhinteen gaari dameer. Waxaa la sheegay dadka ku dhintay miinadaas ee saarnaa gaari dameerka in ay ka qaxeen dagaalka Bariire ee u dhaxeeyay al Shabaab iyo ciidamada dawladda.Kadib dagaaladaas mudada socday iyo baneyntii ciidamada dawladda ee Bariirre, ayaa sanadkii 2019 kii waxaa la wareegay magaalada markale ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, xilligaas ayayna ahayd markii la aasaasay saldhigga ciidanka Amisom ee dib loogu badalay ATMIS.
Muhiimadda amni ee saldhigga Bariirre iyo weerarradii dhimashada badnaa ee horay uga dhacay
Published on: