, 2025-07-28 13:46:03 ,
Baraha Bulshada2 Saacadood ka horXaaladda magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta deggan ka dib dagaal qaraar oo shalay halkaas ku dhexmaray dagaallamayaal ka tirsan a-shabaab iyo ciidamada deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya.Sida wararka laga helayo aaggaasi ay sheegayaaan al-Shabaab ayey u suura gashay inay gudaha u galaan degmada Maxaas oo muddo 11 sano ah ka hor laga qabsaday.Weerarka ay al-Shabaab ku qaadeen Maxaas oo ay u adeegsadeen gawaari qaraxyo ku raran yihiin ayaa ahaa mid culus sida dadka deegaanku sheegeen.Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la sheegay inuu dagaalkaasi sababay oo dhinacyada soo kala gaaray.War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tiro badan ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku ka dileen kooxda al-Shabaab, hase yeeshee ma aysan sheegin tiro cayiman. Ma jirto ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya inta khasaaruhu le’eg yahay laakiin dadka deegaanku waxay sheegayaan in dhimashadu ay aad u badnayd. Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay inay tiro lixdameeyo ah ay ka dileen ciidamada dowladda iyo kuwa qabaa’ilka.Wasaaaraddu waxay intaa ku dartay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku ay ku sugan yihiin duleedka magaalada ayna isku diyaarinayaan inay dib u galaan Maxaas.Degmada Maxaas waxay ka mid ahayd degmooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan ee muddo hore laga saaray al-Shabaab markaas oo ciidamada dowladda oo gacan ka helay kuwa ka socday howlagalka Itoobiya ay u suura gashay inay la wareegaan sanadkii 2014-kii.Istaraatiijiyadda Maxaas iyo muhiimadda ay leedahay SOCIALMaxaas waa degmo ka mid degmooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya iyadoo leh muhiimad istaatiijiyadeed oo weyn marka la eego baaxadda deegaannada hoos yimaada iyo isku xirkeeda gobollada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.Sida uu BBC-da u sheegay taliyihii hore ee ciidammada dhulka Soomaaliya Janaraal Maxamed Tahliil Biixi, oo xilli sii horreysana ka soo shaqeeyey magaalada ayaa ku tilmamay degmada Maxaas meel udub-dhexaad u ah difaaca iyo taliska labadaba.”Magaaladu waa muuqatay inay gacanta ka baxayso, sababtu waxaa weeye dagaalku waa silsilad isku xiran buu ahaa magaalada waxaa xadduud u ahaa Moqokori, Moqokorina waxaa xadduud u ahayd Aadan Yabaal iyada Aadan Yabaal Ceel Axmed, Alkowsar iyo ayaa xadduud u ahaa, marka wuxu tusbax isku xiran ayey ahayd, qofkasta dagaalka qiyaasaya waa u muuqatay haddaan nimanka laga hortegin ama la celin in jabkaan imaanayo nasiib darro waa dhacday, waa jug culus oo ku dhacay ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.Degmada Maxaas ayaa isku xirta magaalooyinka Baladweyn, Buula Barde, Guriceel, Ceelbuur, Matabaan, Moqokori, iyo deegaanno ka mid gobolka Shabellaha Dhexe taas oo muujinaysa muhiimadda isku xirkeeda.Jeneraalku wuxuu sheegay in haddii aan la helin qorshe kale ay u muuqato halis kale oo ka baxsan magaalada Maxaas.Maxay labada dhinac uga dhigan tahay Maxaas?Jeneraal Biixi, wuxuu sheegay in kooxda al-Shabaab ay ugu dhigan tahay qabsashadooda Maxaas inay helayaan isku socod ballaaran.”Runtii waxay uga dhigan tahay isku furan waddadii Wabxo aadaysay ilaa Ceelbuur, meeshaa shan waddaa ku kulanta dhinaca Guriceel ilaa Hees, Seedaan, Coomaad ilaa Matabaan, waddadii Habeenno, Yasooman, Aboorey ilaa Buura- Barde ilaa Webiga, nimanku waxay heleen dhul baaxad leh” ayuu BBC-da u sheegay Jeneraal Biixi.Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayuu sheeegay inay muhiimad gaara u lahayd Maxaas, loona baahan yahay in dowladdu guddi heer qaran ah magacowdo oo xaqiiqda bannaanka la keeno.”Muhiimad weyn ayey u leedahay dowladda” ayuu intaas raaciyey.Jeneraal Biixi, ayaa sheegay in hadda sida dardarta leh ee ay ku socdaan kooxda al-Shabaab uu qabo inay khatar weyn ku yihiin Geeska Afrika oo dhan. Villa SomaliaBilowgii dagaallada, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ayaa ku guulaystay inay al-Shabaab ka qabsadaan dhul ballaaran oo ka mida gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, balse dhowr sanno ka dib ayey kooxdu dib ula wareegeen deegaanno horey looga qabsaday.Maxaas waa magaalada saddexaad ee weyn ee koonfurta-dhexe ee Soomaaliya ku taalla oo ay qabsadaan al-Shabaab tan iyo bishii Abriil.Kooxda ayaa qabsatay magaalooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori bilihii Abriil iyo June.Tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay, al-Shabaab waxay dib ula wareegayeen in ka badan 20 deegaan oo ku yaalla gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, iyo Hiiraan.Markii uu mar kale xukunka qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu qabsaday dhulal badan oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo dhaawacday awoodda al-Shabaab.Laakiin bilooyinkii u dambeeyay, kooxda ayaa kordhisay weerarrada ay qaadayso waxayna dib ula wareegtay deegaanno ay hore u hayeen ciidamada dowladda.Degmada Maxaas ayaa ka mid ahayd magaalooyinki uu sanadkii 2023-kii uu booqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo si weyn u dhiirigeliyey dagaallada dowladdu kula jirto al-Shabaab.
Maxay tahay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Maxaas oo 11 sano ka dib al-Shabaab ay galeen?
Published on: