, 2025-07-08 14:47:50 ,
Getty Images8 Luulyo 2025Daawadii ugu horreysay ee cudurka duumada oo si gaar ah ugu habboon carruurta aadka u yar ayar ayaa la oggolaaday in la isticmaalo. Waxaa la filayaa in toddobaadyada soo socda laga hirgeliyo dalal ka tirsan Afrika.Ilaa hadda ma jirin wax daawo xanuunka duumadda ah oo si gaar ah loogu ansixiyey carruurta yaryar iyadoo taa beddelkeed horey loogu adeegsanayey noocyo loogu talagalay carruurta waaweyn, taasoo khatar u keenta in la siiyo mid xad-dhaaf ah.Dalalka Afrika ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dhibaatada ugu ba’an uu ku hayo cudurka duumada.Dalka Soomaaliya oo heerar kala duwan ay soo martay xaddiga cudurka duumada ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2024-kii waxaa muuqatay koru kac balse lama soo lama diiwaan gelin wax kiisas dhimasho ah sida uu BBC-da u sheegay Dr Xasan Mukhtaar Abuukar oo ah madaxa mashruuca Duumaada ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.Wuxuu intaa raaciyey in isbeddelka cimilada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay saamaysay ay sidoo kale qayb ka tahay waxyaabaha laga dhaxlo Duumada.Dr Xasan, wuxuu intaa raaciyey in magaalooyinka laga arkay kororka ay ka mid ahaayeen Boorame iyo Boosaaso.Isagoo ka hadlayey sida Soomaaliya u arko dawayntan cusub ee duumada ee gaarka u ah carruurta aadka u yaryar ayuu sheegay “waa guul adduunyada dhan u soo hoyatay, Soomaaliya iyo waddamada la mid ka ah ee xanuunkaa la daaladhacaya fursad ayey u tahay inay ka faa’iidaystaan tallaalkaas,”ayuu BBC-da u sheegay Dr Xasan. DR: XasanMadaxa mashruuca duumada ee Soomaaliya ayaa xusay inay sanadkan iyo kan soo socda ay rajaynayaan in cirribtirkii ugu horreeyey ee cudurka ay ka sameeyaan Soomaaliya.Mar BBC-du waydiisay inay filayaan ka mid noqoshada dalalka Afrika ee helaya daweynta cusub ayuu tilmaamay inaysan hadda ku jirin dadaalo ay ku hellaan laakiin ay qorshaha guud ugu jirto.Nus milyan ayaa cudurka u dhintay dhintay 2023-kiiSannadkii 2023 – oo ah sannadkii ugu dambeeyay ee xogta la heli karo – cudurka duumada waxa uu sababay ku dhowaad 597,000 oo dhimasho ah.Dhimashooyinkaasi dhammaantood waxay ka dhaceen Afrika, waxaana saddex meelood meel ka badan ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano.Daawaynta duumada ee carruurtu way jirtaa laakiin ilaa hadda, ma jirin mid gaar ah oo loogu talagalay carruurta aadk u yaryar, kuwaas oo miisaankoodu ka yar yahay 4.5kg.Taa beddelkeeda, ilmahaasi waxaa lagu daweyn jiray daawooyin loogu talagalay carruurta waaweyn.Laakiin taasi waxay keentay halis ah in qiyaasta daawada ee loogu talagalay carruurta waaweyn aysan ku habboonayn ilmaha yaryar, maadaama beerka ilmaha yaryar uusan wali si buuxda u shaqeynin, isla markaana jirkoodu si ka duwan uga falceliyo daawooyinka.Khubarada ayaa sheegay in tani ay keentay wax lagu tilmaamay “farqi daawaynta”.Hadda dawo cusub, oo ay soo saartay shirkadda dawooyinka ee Novartis, ayaa waxaa oggolaaday mas’uuliyiinta Switzerland waxayna u badan tahay in lagu baahiyo gobollada iyo waddamada heerka ugu sarreeya ee duumada toddobaadyo gudahood.Novartis waxa ay qorshaynaysaa in ay ku soo bandhigto si aan faa’iido doon ahayn.Kuwa ugu yar uguna nugulAgaasimaha guud ee shirkadda Novartis, Vas Narasimhan, ayaa sheegay in tani ay tahay waqti taariikhi ah oo muhiim ah.”In ka badan soddon sano, waxaa naga go’nayd dagaalka aan kula jirno duumada, anagoo si hagar la’aan ah uga shaqeynaynay inaan gaarsiinno horumarro cilmiyeed oo ay ugu baahi badan yihiin.””Annaga oo la kaashanayna bahwadaagteenna, waxaan ku faraxsanahay in aan horay u sii soconay oo aan horumarinnay daawadii ugu horreysay ee la tijaabiyay kuna habboon daaweynta cudurka duumada ee dhallaanka iyo ilmaha yar-yar – taasoo dammaanad qaadaysa in xitaa kuwa ugu yar-uguna nugul ay helaan daryeelkii ay mudnaayeen.”Daawadan cusub, oo dalal qaar looga yaqaan magaca Coartem Baby ama Riamet Baby, waxaa si wadajir ah u soo saaray shirkadda Novartis iyo hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay Switzerland, lana yiraahdo Medicines for Malaria Venture (MMV).Hay’addan MMV, waxaa markii hore taageeray dawladaha UK, Switzerland, iyo Netherlands, iyo sidoo kale Bangiga Adduunka iyo Rockefeller Foundation.Siddeed waddan oo Afrikaan ah ayaa sidoo kale ka qaybqaatay qiimeynta iyo tijaabinta dawadan, waxaana la filayaa inay ka mid noqdaan kuwa ugu horreeya ee heli doona.Martin Fitchet, oo ah maamulaha guud ee MMV, ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo kale oo muhiim ah oo loo qaaday waddada loo marayo soo afjarida khasaaraha baaxadda leh ee ay qaaday duumada.”Malaariyadu waa mid ka mid ah cudurrada dilaaga ah ee adduunka, gaar ahaan carruurta. Laakiin haddii la helo kheyraad sax ah oo diiradda la saaro, waa laga takhalusi karaa.”Oggolaanshaha Coartem Baby wuxuu bixiyaa daawo lagama maarmaan ah oo leh qiyaas la hagaajiyay si loogu daaweeyo koox bukaanno ah oo si kale loo dayacay waxayna siisaa wax qiimo leh oo ku saabsan sanduuqa qalabka ka hortagga duumada.”Dr Marvelle Brown, oo ah borofisar ku xigeenka jaamacadda Hertfordshire ee kuliyadda caafimaadka iyo cilmiga nolosha, ayaa sheegtay in tani ay tahay in loo arko horumar weyn oo lagu badbaadinayo nolosha dhallaanka iyo carruurta yaryar.”Heerka dhimashada caabuqyada duumada, gaar ahaan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika waa mid aad u sarreeya – in ka badan 76% dhimashada waxay ku dhacdaa carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano.
Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in daawo ku habboon carruurta loo helay cudurka duumada?
Published on: